Nebi Maxamed, Naxariis iyo nabad geliyo korkiisa ha ahaatee wax kasta uu ka dardaarmay. Asxaabadu waxay yidhaahdeen “Waxa kasta oo khayr ah wuu noo tilmaamay, wax kasta oo shar ahna wuu nooga digay. Alle ha ka raali noqdee Abuu-Najiix al-Cirbaad ibn Saariya waxa uu yidhi: waxa wacdiyey Rasuulkii Alle (s.c.w.), wacdi qalbiga dhalaaliyey oo indhaha naga ilmeysiiyey, markaas aan ku nidhi Rasuulkii Allow wacdigaagani wuxuu uu eg-yahay wacdi sagootin ah ee noo dardaaran. Markaas uu Rasuulkii Alle (s.c.w.) yidhi: waxaan idinkula dardaarmayaa cabsida A llaha, ismaqal iyo adeecid madaxdiinna, xitaa haddii uu madax idiin yahay nin addoon ah. Ninkiinna noolaadana dabaday wuxuu arki doonaa khilaal fara badan, si aad uga badbaaddaan khilaafkaa waxaan idinkula dardaarmayaa inaad raacdaan jidka Nebigiina iyo jidka Khulafadiisii hanuunsanaa, jidkaa ku dhega oo gowsaha ku qabsada, kana digtoonaada arrimaha soo kordhi doona, maxaa yeelay, wax kasta oo Diinta lagu soo kordhiya waa bidco, bidcaduna waa baadinnimo, qofkii ku socdaana waa ahlu-naar.” [Abuu-Daawuud iyo Tirmidi), waa xadiis Xasan ah oo saxiix ah.
Xadiiskani wuxuu caddeynayaa arrimo ka mid ah kuwii Nebigu (s.c.w.) u dardaarmay ummaddiisa, waxaanu ku wacdiyey wacdi qalbigooda dhaqaajiyey, wuxuu kula dardaarmay in ay Ilaahay ka cabsadaan oo ay ku dadaalaan dhowridda iyo ku-dhaqanka sharciga, wuxuu faray in amarka dawladda lslaamka dhaqan keedu yahay la adeeco, xitaa hadduu yahay ninka madaxda ah qof addoon ah. Mar haddii aannu wax diinta khilaafsan idin fareyn.
Wuxuu xadiisku ka warramay waxyaalo dhici doona oo ah ninkii noolaada in uu la kulmi doono khilaaf fara badan. Marka wuxuu yidhi Nebigeennii suubbanaa (s.c.w.) haddii waxaasi dhacaan raaca jidka Nebiga iyo Khulafadii hanuunsanayd ku joogeen. Khulafada waxa loola jeedaa Abuubakar As-Sadiiq, Cumar lbni-Khadaab, Cusmaan ibni-Caffaan, Cali tbni-Abii-Daalib (Radiya Allahu Canhum Ajmaciin), jidkaas baa xaq ah ee ha lagu dhego, cidii haysatana ha lala garab iyo gaashaan noqdo. Wuxuu uga digay in ay ka fogaadaan waxyaalaha diinta lagu kordhin doono oo aan ka mid ahayn, ama laga naaqusin doono ee ah bidcada, bidcaduna waa baadi dadka naarta u jiideysa, marka bidcada waxaa loola jeedaa in Ilaahay lagu caabudo wax aannu jideynin oo aan nebigu farin. Bidcaduna waa laba nooc, bidco lagu gaaloobayo sida ku dawaafidda qabuuraha ama baryada awliyada mootan iyo gargaar ka dalbidooda Iyo bidco aan lagu gaaloobeyn laakiin dembi ah, waa inaad ogaatid halka uu falkaas salka ku hayo, maxaa yeelay, cibaado ma aha inaad is ka fashid sidaad jeceshahay ee waa sida lagu faro, haddiise aad Ilaahay ku caabuddo wax aannu kuu diran waa tacab khasaaray If iyo Aakhiraba, marka iska hubso intaad dhowdahay oo camalkaaga la socodsii sharciga Islaamka runta ah.
FAA’IDADA XADIISKA
- In la dhowro wixii Ilaahay inoo jideeyey.
- In amarka dawladda lslaamka wax ku xukumeysa la adeeco, haddii kale fidnaa dhaceysa.
- Marka khilaafku bato xagga diinta waa in la raaco jidkii Rasuulka Alle (s.c.w.) iyo khulafadiisa.
- Dadka ku camal fala bidcada abaalkoodu waa tacab khasaar Ifka iyo cadaab Aakhiro, maxaa yeelay, wejigaa lagaga soo tuurayaa camalkooda, aakhirana waa lagu ciqaabayaa, sababta oo ah intuu weydaartay jidkii Rasuulka ayuu ku camal falay cibaado aan la farin, inkasta oo uu is leeyahay kheyr baad heleysaa, wuxuu la mid yahay sidii qof leh jidkii Rasuulka ma fiicna ee anigaa jid ka fiican oo Ilaahay kuu dhoweynaya samaynaya, jidkaas baana naarta geeya.

























