Cadnaan Bille Jaamac
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland waxay si cad u muujisay in kalluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka baddu inay yihiin tiir-dhexaad istiraatiiji ah oo wax lagaga qaban karo saamaynta abaaraha soo noqnoqda, cunno yaraanta, shaqo la’aanta, iyo baahida koboc dhaqaale oo jirta.
Xeebaha Somaliland oo ah kuwa ugu dhaadheer Geeska Afrika (ku dhawaad 850km), ayaa hodan ku ah kalluun fara badan, nooleyaal kale oo badeed, iyo fursado ganacsi, tamar, iyo horumar deegaan.
Si kastaba ha ahaatee,, khayraadkan badda wali si buuxda looma maalgashan, taasoo u beddeleysa fursad qarameed oo sugaysa in laga faa’iidaysto. Haddii si istiraatiiji ah loo qorsheeyo, waxay noqon kartaa tiir kaabaya koboca dhaqaalaha, adkaysiga bulshada, iyo naf-badbaadinta xilliyada dhibaatooyinka bini’aadamnimo ay jiraan sida abaaraha oo kale.
Wasaaraddu waxay si joogto ah u dhiirrigelisaa iskaashi ka dhexeeya dawladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, qurba-joogta, iyo hay’adaha caalamiga ah si loo horumariyo kalluumaysiga iyadoo la raacayo heerarka maaraynta waara ee caalamiga ah. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Sharmaarke Cabdi Muuse, oo ka qaybgalay kulan ay soo qabanqaabisay Hay’adda NADFOR, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda kalluumaysigu leeyahay wax ka qabashada abaaraha, isagoo sheegay: “Khayraadkeena kalluunka oo laga faa’iidaysto, waxa lagaga bixi karaa abaaraha soo noqnoqda.”
Hadalkan waxa uu ka tarjumayaa aragtida dowladda ee ah in dhaqaalaha buluugga ah uu yahay furaha naf-badbaadinta bulshada, kobcinta shaqooyinka, iyo horumarinta suuqyada ganacsiga gudaha iyo dibaddaba.
Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Sharmaarke Cabdi Muuse wuxuu si qoto dheer u muujinayaa aragtida dowladda Somaliland ee ah in kalluumaysigu yahay aalad istiraatiiji ah oo wax lagaga qaban karo dhibaatooyinka abaarta iyo cunno yaraanta. Waxa uu iftiiminayaa kaalinta kalluumaysiga ee dhaqaalaha buluugga ah, kaas oo awood u leh: Inuu abuuro shaqooyin, Horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyo In uu Xoojiyo adkeysiga bulshada, gaar ahaan xilliyada abaarta.
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxay sidoo kale muujisay baahida iskaashi ee u dhexeeya dowladda, hay’adaha samafalka, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo qurba-joogta reer Somaliland. Iskaashigan gudaha iyo dibaddaba wuxuu muhiim u yahay sidii kalluumaysiga loogu maareyn lahaa si hufan, loona ilaalin lahaa deegaanka badda, iyadoo la dhisayo qorshe waara oo wax ka qabta caqabadaha abaaraha iyo cunno yaraanta.
Hadalkan Wasiir ku-xigeenku waxa uu caddeyn u yahay in Somaliland si firfircoon u aqoonsatay kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah in ay yihiin tiir-dhexaad kaalin weyn ka qaadan kara la tacaalidda xaaladaha adag ee bulshada. Haddii si waara loo maareeyo khayraadka badda, waxa uu noqon karaa: Il dhaqaale oo wax ku ool ah, Xalka baahiyaha degdegga ah ee bulshada iyo Fursad lagu abuuro shaqooyin, horumar lagu gaadho, iyo xasilooni bulsho.
Somaliland waxay taagan tahay is-goys muujinaya fursado horumarineed oo dahabi ah, iyadoo khayraadka badda u beddeli karta mashiin kobcin dhaqaale oo waara, ka jawaabaya abaaraha, taageeraya sugnaanta cuntada, isla markaana abuura mustaqbal ifaya oo ay bulshada Somaliland dhan ka faa’iidaysato.
Badda Somaliland: Fursad Dabiici ah oo Aan La Gaadhin
Xeebaha Somaliland waxay leeyihiin kalluun iyo nooleyaal kale oo qiimo dhaqaale leh. Si kastaba, ma jirto wax-ka-faa’iidaysi buuxa oo ka jira kheyraadkan. Waxaa weli bannaan maalgashi ballaadhan oo lagu dhisi karo kaabayaal, warshado, dekedo yaryar, suuqyo kalluun, iyo xarumo kaydinta ah.
Wasaaraddu waxay si gaar ah u aaminsan tahay in horumarinta xirfadaha dhalinyarada ay laf-dhabar u tahay mustaqbalka kalluumaysiga. Ka-qaybgalka Wasiir ku-xigeenka ee xafladdii qalin-jabinta Jaamacadda Culuumta Badda ee Berbera, bishii August, ayaa caddeyn u ah sida dowladda ay ugu heelan tahay kobcinta aqoonta iyo tababarka dhalinyarada.
Qurba-Joogta: Lafdhabarka Maalgashiga Dibadda
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Liibaan Mahamuud Diiriye, ayaa si cad u booriyay qurba-joogta reer Somaliland inay maalgashi ku sameeyaan khayraadka badda. Waxa uu ku adkeeyay in dalku u furanyahay iskaashi caalami ah iyo fursado maalgashi oo waara, gaar ahaan dhinacyada: Warshadaha kalluumaysiga iyo farsamaynta kalluunka; Suuqyada dhoofinta iyo Kaabayaasha xeebaha
Tababarka iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada
Wasaaraddu waxay sidoo kale la shaqeysaa hay’ado caalami ah sida UNDP iyo shirkadda E20 ee Imaaraadka, si loo furo albaabo maalgashi iyo iskaashi cusub. Iyata oo taas ay caddayn iyo tusaale guul leh ay u tahay: Warshadda Kalluunka ee Somtuna:
Mid ka mid ah tusaalooyinka taariikhiga ah ee muujinaya awoodda kalluumaysiga Somaliland waa warshaddii Somtuna oo ahayd warshaddii ugu weynayd ee kalluumaysiga Geeska Afrika. Somtuna waxay ahayd il shaqo, koboc dhaqaale, iyo xoojinta suuqyada. Wasaaraddu waxay u aragtaa in la soo nooleeyo warshado la mid ah, loona furo suuqyo cusub oo dhoofin ah, taas oo kor u qaadaysa dhaqaalaha badda.
Kalluumaysigu Waa Naf-badbaadin Bulsho iyo Dhaqaale
Wasaaraddu waxay hoosta ka xarriiqday in kalluumaysigu yahay aalad naf-badbaadin bulsho, sababtoo ah:
- Shaqo Abuur: Wuxuu fursado shaqo siinaa kumannaan qof, gaar ahaan dhalinyarada xeebaha.
- Ganacsi Caalami ah: Waxaa laga heli karaa dakhli dhoofin kalluun iyo wax-soo-saarkiisa.
- Adkeysiga Bulshada: Marka ay dhacaan abaaro ama musiibooyin kale, kalluumaysigu wuxuu noqdaa beddel dhaqaale oo muhiim ah.
- Horumar Kaabayaal: Waxaa suurtagal ah in la dhiso warshado, dekedo yaryar, suuqyo, iyo xarumo farsamaynta kalluunka.
- Ilaalinta Deegaanka: Maareyn waarta waxay ilaashaa deegaanka badda iyo nooleyaasha badeedka.
Kobcinta Aqoonta iyo Jiilka Mustaqbalka
Jaamacadda Culuumta Badda ee Berbera iyo xarumaha tababarka farsamada gacanta ayaa noqday meelaha ugu muhiimsan ee laga dhisayo jiil aqoon leh oo hogaamiya mustaqbalka kalluumaysiga. Maalgashiga waxbarashada iyo tababarka waxaa loo arkaa mid ka qiimo badan kaabayaal dhaqaale oo qura.
Gabagabo:
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland waxay si qoto dheer u muujisay in badda Somaliland aanay ahayn kaliya kheyraad dabiici ah, balse ay tahay fursad qaran oo la jaanqaadaysa mustaqbal waara. Qorsheynta istiraatiijiga ah, taageerada farsamo, iyo iskaashiga gudaha iyo dibadda ayaa ah tiirarka muhiimka ah ee horumarka mustaqbalka.
Somaliland waxay haysataa fursad dahabi ah oo la xidhiidha in kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah laga dhigo laf-dhabarka koboca dhaqaale, naf-badbaadinta bulshada, shaqo abuurka, iyo ilaalinta deegaanka. Waxaa la joogaa waqtigii laga faa’iidaysan lahaa badda si ay u noqoto astaanta koboca iyo badbaadada Somaliland.

























