Denbiyada waxa asal u ah oo keena Kibirka waana kan Ibliis naarta geliyay, Jacaylka Mulkiga iyo in lagu waaro adduunka waa kii ka soo saaray Janada Nebi Adam (cs) iyo Xawaa. Xasadka isna waa kan ku kelifay in Nebi Adam wiilkiisa (Qabiil) uu dilo walaalkii (Habiil).
Caalamadaha liibaanta iyo nolosha wanaagsan waxa ka mid ah : Mar kasta oo adoonka u korodho cilmi waxa u kordha tawaaduc iyo is dhul dhiga aan kibir lahayn, mar kasta oo u kordho aduunyona waxa bata taxadarkiisa iyo cabsidiisa uu Allah (sw) ka baqanayo, mar kasta oo ay u kordho sharaf iyo derejona waxa u siyaada u dhowaanashaha uu dadka usii dhowaanayo iyo buuxinta baahiyahooda.
Wanaag waxa helay qofka kaga mashquula ceebihiisa , ceebaha dadka kale. Waxaana jabay kan ilooba ceebihiisa oo u banbaxa sheegidda ceebaha dadka kale.

























