Sideed Ugu Guulaysanaa Cadawoga?!

0
129

Shimbirka kaliya ee ku dhiirada inuu gorgorka wax ku dhufto oo uu dilo waa Tukaha. Tukuhu Dhabarka Gorgorka ayuu ku fadhiistaa halkaasi oo aanay shimbir kale ku dhici Karin inay gaadho, waxaana uu si xooggan oo xanuun badan ugu dhuftaa si isdaba joog afkiisa dhuuban (minqaarkiisa).  Si kastaba ha ahaatee, gorgorka ay dhibtaasi xanuunka badani haysato uma jawaabo lamana dagaalamo. Isla markaana Wakhti iyo tamar midna iskagama bixiyo Tukaha dhabarkiisa garaaca xanuunka badan ku haya, waxaana uu adakystaa qaniinyada dhibta badana ee afkiisa dhuuban.

Laakiin Baalashiisa ayuu kala bixiya waxaana uu bilaabaa inuu hawada sare u baxo, madaama uu isagu awood u leeyahay in gaadho hawada goob ka saraysa halka uu gaadhi karo Tukuhu. Mar kasta oo gorgorku hawada sare sii koro waxa ku adkaata oo cidhiidhi ku noqota Tukaha dhabarkiisa saaran neefsashada.

Muddo yar ka dibna Tukuhu waa uu soo dhacaa isagoo dhintay sababtuna waa isagoo waayay hawada neefsashada ee ogsijiinta, waayo Gorgorku waxa uu gaadhay meel aanu Tukuhu gaadhin marka uu duulayo oo ku adag. Hadda habkaas farsamada sare ah ee Gorgorku saameeyay ee ah inaad cadowgaaga ka sarayso ayaa muhiim u ah qof kasta. Waana in aad taqaano heerka awoodda cadowgaaga, sida Gorgorku u gartay heerka neefsashada ogsiinta ee Tukaha..

Iska jooji wakhtiga badan ee kaaga lumaya cadawga. Keliya waxa kugu filan in aad gaadho meel aanay iyagu gaadhi karayn oo ka saraysa oo dhib ku ah. Dadaalkaagana xooji si aad u dhaafto heerka fikirkiisa kooban.