Markii uu ardaydiisa midkood xanuunsaday ayuu Macalinku ku soo booqday gurigooda. Waalidka ayaa u sheegay inuu bogsaday oo maalmaha soo socda ku soo noqon doono dugsiga laakiin waxa laga xiiray timaha madaxiisa dhamaantood, waana loo dhukuray.
Macalinku markii uu arkay ardayga oo timaha madaxa laga xiiray ayuu go’aansaday in isaga iyo ardaydu dhamaantood ay iyaguna iska xiiraan timaha ka hor imaatinka wiilka, si aana ardayga niyad jab ugu ridin ardayaduna dacaayad ku samayn, taasi oo ardayduna u qaadanayso inuu la mid yahay. Laakiin maalintiii hore isaga ayaa soo xiirtay isagoon u sheegin ardayda, maalintii ku xigtayna ardaydii ayuu u sheegay inay soo wada xiirtaan timaha.
Ardayga bogsaday markii usoo noqday lama dareemin in xanuunka looga xiiray timaha, waxase loo qaatay astaanta dugsiga ku soo kordhay inuu isaguna buuxiyay oo uu gutay waajibkeedii.

























