Maalin ayuu ninkii Juxaa la odhan jiray ee Carabta qoraalda qosolka badan ka samaysay Dameer uu lahaa keenay saylad, si uu u iibiyo. Intii uu sayladdii dhex joogay ayuu nin isku dayay inuu ka iibsado. Ninkii ayaa damcay inuu iska eego dameerka ka hor inta aanu iibsan. Ninkii wuxu eegay afka iyo sanka dameerka si uu u hubiyo inay jiraan nabaro ku dhacay iyo xanuun in loo iibinayo.
Dameerkii ayaa ninkii qaniini gaadhay. Ninkii inta uu naxay ayuu dib u booday si aan dameerku u qaniinin. Dameerkii ayaa haddana markii uu dib u booday harraati ku dhufan gaadhay!
Ninkii inta uu Juxaa aad u eegay ayuu ku yidhi: ” Waaryaa Juxo, qofna dameerkan kaa iibsan maayo, waayo wuu dhib badan yahay. Haddii aad hormar is-tidhaa waa uu ku qaniinayaa, haddii aad garab mar is-tidhaahdona wuu ku harraatiyayaa.
Halkii ay ahayd in Juxana amaan Dameerkiisa bilaabo si looga iibsado ayuu ninkii ku yidhi: “ Waan ogaaye waxaan doonayay inay dadkuna ila ogaadaan dhibkiisa”.

























