Aadamigu Waa Makhluuq Cajiiba Ah!

0
85

Haddii Shaydaanku ogaan lahaa in Tafiirta Nebi Aadam ka soo bixi doonaa ay ka shar badan karaan sharka marka ay  xumaanta doortaan, waxa uu u sujuudi lahaa Aadam isla markii Allah (sw) uu faray.

Allah (sw) keligii ayaa ogaa in Aadamiga uu kaga socon doonaan dhamaan makhluuqa kale oo dhan doorashadiisa samaanta iyo xumaanta. Runtii waa noole cajiib ah oo yaab leh. Haddii uu Aadamigu xumaan doorto waa shar badanaya Shaydaanka, haddii uu wanaag doortana waa uu ka badan karaa Malaa’igta. Waana sababta uu Allah (sw) uu faray Malaa’igta inay u sujuudaan. Kitaabka “Ashaydaan  Yaxkum”

Dr. Mustafe Maxamuud (Alle ha u Naxariistee)