Donald Trump Oo Kashifay In Chelsea La Guddoon-siiyay Koob Been-abuur Ah

0
148

Chelsea ayaa u dabaal degtay hanashada koobka Club World Cup, balse war cusub oo lala yaabay ayaa daaha ka rogay in koobkii uu Reece James kor u qaaday uu ahaa mid aan ahayn kan asalka. Sida uu shaaciyay Donald Trump, koobkii dhabta ahaa wali wuxuu yaallaa xafiiska Oval-ka ee Aqalka Cad.

Trump ayaa waraysi uu bixiyay intii lagu jiray ciyaartii final-ka ku sheegay in madaxwaynaha FIFA, Gianni Infantino, uu hore ugu dhiibay koobka isagoo yidhi “Fadlan halkaan ku hay.” Trump ayaa sheegay inuu weydiiyay goorta laga qaadayo, balse Infantino ayaa ugu jawaabay “Marna kama qaadi doonno waxaad si joogto ah ugu hayn kartaa xafiiskaaga.”

Tani waxay keentay in FIFA ay si deg deg ah u samayso koob cusub oo nuqul ah si loogu wareejiyo kooxda guulaysatay Chelsea. Sidaasi darteed, ciyaartoyda ayaa la siiyay koob aan ahayn kii dhabta ahaa ee qiimihiisu gaadhayo $230,000. Intii lagu guda jiray xafladda, Trump ayaa Chelsea si lama filaan ah uga soo muuqday sawirka guud ee guushii tartanka, arrintaas oo ay la yaabeen ciyaartoyda sida Cole Palmer oo filayay inuu koobka kaliya guddoonsiin doono. FIFA weli kama aanay hadlin xaqiiqada koobkan, hase yeeshee arrintan ayaa muujinaysa xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Trump iyo madaxda kubadda cagta caalamka, gaar ahaan xilli la isku diyaarinayo martigelinta Koobka Adduunka ee 2026 ee ka dhacaya Mareykanka.