Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ku qaadday fiidnimadii Isniinta deegaanno ku dhow magaalooyinka Homs iyo Latakia, sida ay werisay warbaahinta rasmiga ah ee Suuriya. Duqeymaha Israa’iil ayaa lala beegsaday agagaarka deegaanka Maskana oo ku yaalla duleedka magaalada Homs.
Weerarro la mid ah ayaa sidoo kale ka dhacay agagaarka deegaanka Saqoubin oo ku yaalla duleedka magaalada Latakia, hase yeeshee lama soo sheegin wax khasaare ah, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Suuriya, taasoo sidoo kale xaqiijisay in gawaarida dab-damiska la geeyay goobihii la weeraray.
Dhanka kale, Ururka Kormeerka Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in “diyaarado dagaal oo Israa’iili ah ay leedahay ay duqeeyeen saldhig ciidan oo ciidamada cirka Suuriya ay ku leeyihiin koonfur-bari magaalada Homs. Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay goobta la weeraray, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan khasaare hantiyeed.”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa si adag u cambaareysay “weerarka cirka ah ee ay fuliyeen ciidammada gumeysiga Israa’iil,” sida ay hadalka u dhigtay, iyadoo ku tilmaantay duqeymahaasi inay yihiin “jabin cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo mabaa’diida Axdiga Qaramada Midoobay.”
Wasaaraddu waxay sheegtay bayaan ay soo saartay Talaadadii in “weerarradan ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya, isla markaana khatar ku ah ammaankeeda iyo xasiloonida gobolka.”
Waxay sidoo kale xustay in duqeymahan ay “ka mid yihiin silsilad weerarro xadgudub ah oo Israa’iil si joogto ah ugu hayso dhulka Suuriya.”
Waxay intaa ku dartay, “Suuriya si buuxda ayay u diidaysaa dhammaan isku dayada lagu dhaawacayo madax-bannaanideeda ama lagu waxyeellaynayo amniga qarankeeda, iyadoo ugu baaqeysa beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka, in ay qaataan masuuliyaddooda sharci iyo mid akhlaaqeed, ayna qaataan mowqif cad oo adag oo lagu joojinayo weerarradan is-daba jooga ah, lana ilaaliyo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Suuriya.”
27-kii Agoosto, diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa weerarro cirka ah ku qaaday aagga al-Kiswah ee duleedka Dimishiq. Maalin ka hor tan, waxaa isla deegaanka lagu qaaday weerarro ay fuliyeen diyaarado aan duuliye wadin, taas oo keentay dhimashada lix askari oo Suuriyaan ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa markaas cambaareysay weerarrada, iyagoo ku adkeystay xaqa aan la laaluqi karin ee ay u leeyihiin inay difaacdaan dhulkooda iyo dadkooda, iyagoo adeegsanaya dhammaan waddooyinka uu dammaanad qaaday sharciga caalamiga ah.
Tan iyo markii uu meesha ka baxay nidaamkii Assad 8-dii Diseembar, 2024, Israa’iil waxay qaaday boqolaal weerarro cirka ah oo ka dhan ah gudaha Suuriya, iyadoo isku dayaysa in ay ka hor istaagto maamulka cusub inuu la wareego hubkii uu horey u lahaa nidaamkii hore. Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale hore ugu sii socday xadka xayndaabka u dhexeeya labada dal ee Buuraha Golan.
Inkasta oo labada dal si rasmi ah dagaal ugu jireen tan iyo 1948, haddana maamulka ku-meel-gaadhka ah ee Suuriya ayaa dhawaan oggolaaday in ay la galaan wadahadal Israa’iil, si dib loogu bilaabo hirgelinta heshiiskii kala soocidda ciidanka ee la gaadhay 1974.
Dhammaadkii Agoosto, ciidanka Israa’iil ayaa sameeyay weerar dhulka laga soo dejiyey (airdop) oo lagu qaaday saldhig milatari oo qiyaastii 30 km koonfur ka xiga magaalada Dimishiq, halkaasoo marar badan la duqeeyay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Suuriya.
Israa’iil ma aanay xaqiijin howlgalkaas, balse Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yisrael Katz, ayaa sheegay in ciidankooda ay “maalin iyo habeenba ka howlgalaan meeshii loo baahdo si ay u ilaaliyaan ammaanka dalkooda.”
Horraantii Sebtembar, wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay xidheen toddobo qof oo ku sugnaa Quneitra, koonfurta Suuriya, kaddib markii ay “ku soo duuleen” degmada Jabata al-Khashab oo ku taalla waqooyiga gobolka Quneitra, iyagoo sidoo kale baaritaanno ka sameeyay guryo dhowr ah.






















