Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay saxeexa daafaca bidix ee Álvaro Carreras oo ay kala soo wareegtay Benfica, sida ay warisay Madrid Zone. Carreras, oo 22-jir ah, ayaa qalinka ku duugay heshiis gaadhaya ilaa 30-ka Juun 2031, isagoo dib ugu soo laabtay kooxdii yaraantiisa uu ka midka ahaa ee Real Madrid. Manchester United, oo Carreras horey uga iibisay Benfica, ayaa helaysa €10 milyan oo ah lacag lagu heshiiyey markii ay iibinayeen xiddigan sanaddii 2024.
Wax Ka Ogoow Taariikhda Carreras: Waxaa uu ciyaaraha ka soo biloobay Deportivo La Coruña.
Waxaa uu markii ugu horraysay ku soo biiray Real Madrid isagoo 14 jir ah.2020: Wuxuu u wareegay Man United. Balse ma helin fursad uu uga soo muuqdo kooxda koowaad. 2021–22: Waxaa loo doortay xiddiga ugu fiican da’da 23-jirada Man United. 2024: Carreras ayaa ugu danbayn si rasmi ah ugu biiray Benfica, halkaasoo uu kusoo ifbaxay. 2025: Real Madrid ayaa dib u heshay xiddigoodii hore.
Carreras waa daafac bidix oo aad u firfircoon, waxayna Real Madrid ku xoojinaysaa safkeeda xilli ciyaareedka cusub, iyadoo Man United ay faa’iido dhaqaale ka heshay ciyaaryahankii ay lumisay.

























