Juan Rivera waxa kuwa ugu caansanaa dadkii ee sida khaldan loogu xukumay dembiyo culus gudaha Mareykanka, gaar ahaan gobolka Illinois. Kiiskiisa wuxuu astaan u noqday sida khaladaadka garsoorku u burburin karaan nolosha qof aan dambi gelin, iyo sida ay muhiimka u tahay caddeymaha denbiga ee kala duwan sida DNA-da casriga ah.
Gabadh lagu magacaabo Holly oo la shaqayn jirtay barnaamijka “ Summer Lunch Program” ee caruurta saboolka ayaa maydkeeda la helay iyadoo la kufsaday iyadoo caruurta saboolka raashin u geynaysay.
Juan Rivera waxa uu wiil ka soo jeeda bulshada Latino ah degena goobta lagu dilay gabadhaasi, laakiin ma jirin wax caddeyn ah oo muujinaya inuu goobta ku sugnaa wakhtigu dilku dhacay.
Booliiska ayaa xidhay isagoo xanuunsanaya oo qabay xanuunka dhinaca maskaxda ah. Muddo afar maalmod ayay ku qasbeen inuu qirto kiiska, waxa la sheegay inuu saacado badan ku jiray waraysi dheer iyadoo aan qareen iyo turjubaan midna loo qaban, iyadoo weliba uu ahaa mid maskaxa ahaan daciif ah.
Juan Rivera Waxa uu ku jiray xabsi ku dhowaad 20 sano, isaga oo wakhtiyo kala duwan kolba dib la xukumayay:
Xukunkii ugu horeeyay waxa uu dhacay 1993 isagoo 19 sano jiray: Xukunkii ugu horreeyay.
Laakiin sanadkii 2011 Waxaa si rasmi ah xukunkii looga fasaqay ka dib markii maxkamadda racfaanka ay sheegtay in aanu wax dembi ah oo cad lagu hayn markii laga baadhay DNA-da cusuba sidaas ayaakiiskiisa lagu baabiiya.
Juan Rivera waxaa la siiyay magdhow dhan $ 20 milyan oo doolar sanadkii 2015, ka dib markii si rasmi ah loo cadeeyay in aanu wax dambi ah lahayn isla markaana si khaldan loo xukumay

























