Xikmadda

0
122
  • Si xikmad leh oo deggan u soco, kuwa cararaya way kufi karaan.
  • Doqonku wuxu is moodaa fariid, laakiin ninka caaqilku ahi wuu og yahay inuu mararka qaar yahay nacas.
  • Dadka oo dhan u muuji jacayl, inyar aammin, qofna ha ku xadgudbin.
  • Cilmigu wuxuu kobciyaa garaadka Aadamiga, wuxu kala saaraa sax iyo khaladka
  • Bulshadu ma horumarto ilaa ay hesho nidaam aqoon iyo cadaalad ku dhisan
  • Burburka dowladuhu wuxuu ka bilowdaa marka hoggaamiyuhu ka doorto dantiisa tan ummadda uu hogaamiyo. Xikmadaha  Ibnu Khaladun
  • wayna ka qiimo badan tahay in aynu ururino gefafka ay dadka kale inaga galaan iyo in dadka la isku diro” . Mar uu ka hadlayay in dadka khaladaadka ururiyaa ay wakhti qiimo badan iska dayacayaan, halka dadka wax isku diraanna ay yihiin dad qiimihii nolosha gabay.

Faylasufkii Ingiriiska ahaa ee Bertrand Russell  ayaa yidhi : “ Noloshu way ka gaaban tahay wayna ka qiimo badan tahay in aynu ururino gefafka ay dadka kale inaga galaan iyo in dadka la isku diro” . Mar uu ka hadlayay in dadka khaladaadka ururiyaa ay wakhti qiimo badan iska dayacayaan, halka dadka wax isku diraanna ay yihiin dad qiimihii nolosha gabay