Xilliga Bellingham Uu Garoomada Dib Ugu Soo Laabanayo Oo La Shaaciyay

0
156

Jude Bellingham ayaa la filayaa in qalliin lagaga sameeyo garabka si looga daaweeyo dhaawac muddo dheer uu qabay kadib markii uu u ciyaaray Real Madrid tartanka Club World Cup. Sida uu qoray wargeyska Sport, laacibka reer Ingiriis ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado muddo u dhaxaysa 3 ilaa 4 bilood maadaama uu u baahan yahay wakhti uu kaga bogsado dhaawaca.

Bellingham ayaa khasab ku ah inuu xidho gaash garabka ah muddo bil ah kadib dhaawaca. Waxaa laga yaabaa inuu si wanaagsan ugu soo bogsado saddex bilood gudahood, balse waxaa la aaminsan yahay inuu u baahan doono afar bilood si uu si buuxda u helo taam ahaan shihiisa ciyaareed.

Laacibka khadka dhexe ee reer Ingiriis ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto tababarka Real Madrid badhtamaha bisha Oktoobar (2025), taas oo ka dhigan inuu qayb ka noqon karo kulanka Barcelona ee dhacaya 26-ka Oktoobar. Bellingham ayaa 58 kulan u saftay Real Madrid xilli ciyaareedkii 2024/25, isagoo dhaliyay 15 gool kana caawiyay 15 kale dhammaan tartamada.