Cunista Timirta iyo Tufaaxa Faa’iidada Caafimaad ee ku Jira

0
210

Waxa jirta wax yaalo badan oo faa,iidooyin badan oo laga helo cunista qudaarta iyo timirta kuwaas oo u wanaagsan caafimaadka dadka hadaba todobaadkan waxaynu ku eegi doona qormada arimaha bulshada faa,iidada timirta iyo waxyaalo kale, hadaba aynu ku horaynee Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.

Timirtu waxa ay leedahay faa'iido badan waxana ay caawisaa qaybo badan oo kamid ah jidhka aadamaha. Haddaba faa'iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga helo isticmaalka timirta.

Timirtu waxay dhintaa Heerka Cholesterol-ka ee Dhiiga waxayna ka ilaalisaa Xiddidada Dhiigga qaada Qalafsanaanta sababtoo waxaa ku jira Timirta Maadada loo yaqaano "Pectin" Waxay ka hortagtaa kansarka xiidmaha, waxayna ka ilaalisaa Xanuunka Baabaasiirta, waxayna yaraysaa Dhagxanta ku dhasha Kaadi haysta, waxay sidoo kale fududaysaa Marxaladaha Uurka iyo Dhalmada iyo Dhiiga ka dambaya waxaana ku jira Fibres aad u wanaagsan iyo Sonkoro dhakhso u riiqma.

Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah waxa ku jirta Maadada "Fluoride" Waxay ka ilaalisaa Jidhka Sumaha waayo waxaa ku jira Maadooyinka Sodium, Potassium iyo Vitamin C. Waxay daawaysaa Dhiig la'aanta sababtoo ah waxa ku jira Maadooyinka Iron, Copper iyo  Vitamin B2.  Waxay daawaysaa Jil jileeca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A  Waxay daawaysaa Appetite la'aanta, sababtane waa maadada Potassium-ka ee ku jirta.

Waxay daawaysaa Itaal darada guud ahaan iyo Wadna xanuunka oo waxa ku jirta Maadada Manganisium iyo Copper. Waxa ku jira Maadada Salinium oo ka hortagta Cancer-ka sidaas darteed baan Dadka ku nool meelaha Beeraha Timirtu u aqoon Cancer-ka. Waxaa ku jirta Maadada "Poron" oo daawaysa Rheumatism ka iyo Cancer-ka Maskaxda Waxay daawaysaa Qalaylka Dubka iyo Indhaha quruxooda waayo waxaa ku jirta Maadada Vitamin A Waxay daawaysaa Xanuunada ku dhaca Mashiinka Cuntada ridqa; waayo waxaa ku jira Maadada Vitamin B1.

Waxay daawaysaa Timaha daata iyo Daalka Indhaha iyo Qalaylka Afka iyo Infection ka Bushimaha, taasi waxaa sahlaya Maadada Vitamin B2 oo ku jirta timirta. Waxa ku jirta Maadada daawaysa Infection ka Dubka ama jidhka. Waxay daawaysaa Dacarta Caloosha waayo waxa ku jira Maadooyinka Chlor, Sodium iyo Potassium. Waxay daawaysaa Xanuunada Ciridka ku dhaca waxan laga helaa Vitamin C. la soco qaybta dambe.