Hoggaamiyaha Xamaas ee Sraa’iil ay ku beegsatay weerarkii ay ku qaadday dalka Qadar ee ka badbaaday Khalil al-Hayya waxa uu dhashay 5 November 1960 waa siyaasi falastiini ah oo soo noqday gudoomiye ku xigeenka Xafiiska Siyaasada ee Xamaas ilaa August 2024.
Al-Hayya waxa uu shahaadada koowaad ka qaatay Jaamacadda Islamic University of Gaza, halka heerka labaad ee jaamacadana uu uga baxay Jaamacadda Urdun.
Shahaadada PhD waxa uu kaqaatay ka qaatay Jaamacadda Qur’aanka Kariimka iyo Culuumta Islaamka. Waxa uu ku biiray Xamaas ka dib markii uu dhammaystay heerka koowaad ee jaamacadda. Xiligaas waxa uu ku shaqayn jiray macalinimo.
Al-Xayya waxa uu tobanaan sano ahaa sarkaal ka tirsan Xamaas. Waxaa loo arkay inuu ahaa nin si aad ah ugu dhaw hogaamiyihii hore ee Xamaas Yahya Sinwar, waxaana lagu tilmaamay “mid ka mid ah dadka tirada yar ee Sinwar uu dareemay inuu isku haleyn karo.”
Bishii November 2019, al-xayya iyo Rouhi Mushtaha waxay hogaaminayeen wefdi ka ambabaxay Marinka Qaza iyagoo booqday dhowr waddan oo ay ku jiraan Turkiga iyo Lubnaan.
Al-Xayya waxa uu sidoo kale hoggaamiyay wadahadallo dib u heshiisiin ah oo ay yeesheen kooxda Fatah. Bishii Janaayo 2022, wuxuu booqday Algeria, ka dib martiqaad uu ka helay madaxweynaha Algeria.






















