Madaxweynaha oo Ku Dhiirrigeliyay Shacabka in ay Ka Qayb-qaataan Daryeelka Kaabayaasha Dalka

0
147

Dawan Staff

Boorama (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray Mashruuca Biyo Ballaadhinta Magaalada Boorama oo ah mashruuc kaabayaal muhiim ah leh, ujeeddadiisuna tahay in la kordhiyo helitaanka biyo nadiif ah oo la awoodi karo, maadaama ay si degdeg ah u korayso baahida biyaha ee magaalada Boorama.

Munaasabadda xadhig ka jarista adeegyadan horumarineed ayaa ku beegnayd maalintii saddexaad ee uu Madaxweynaha socdaalka shaqo ku joogo gobolka Awdal. Mashruucan biyo ballaadhinta ah waxa uu ka mid yahay mashaariicda hormuudka ah ee laga maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), kaas oo taageera adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha guud ahaan dalka.

Tallaabo Taariikhi ah oo Lagu Horumarinayo Adeegyada Dadweynaha Magaalooyinka:

Xafladda furitaanka mashruucan waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda, wakiillo ka socda SDF, danjiraha Denmark ee Somaliland, maamulka gobolka Awdal, Golaha deegaanka Boorama, madax-dhaqameedyo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxa si weyn loogu iftiimiyey muhiimadda bulsho iyo mid dhaqaale ee mashruucan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo munaasibaddaasi ka hadlay, ayaa sheegay in biyuhu ay yihiin tiirka ugu muhiimsan nolosha bulshada, gaar ahaan caafimaadka, koboca dhaqaalaha iyo sharafta nolosha, waxaanu yidhi: “Biyuhu waa laf-dhabarta caafimaadka, horumarka, iyo karaamada nolosha bulshada. Mashruuca Biyo Ballaadhinta Boorama waa muuqaallo cad oo ka tarjumaya sida ay uga go’an tahay xukuumadda inaanu xoojinno adeegyada aasaasiga ah iyo dhismaha magaalooyin adkaysi leh.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxa uu shacabka Boorama ku dhiirrigeliyey in ay masuuliyad iska saaraan ilaalinta mashruuca, kana faa’iidaystaan si hufan.

Hoos-u-dhigid Qiimaha Biyaha: Tallaabo Gargaaraysa Qoysaska Danyarta ah:

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku dhawaaqay in qiimaha adeegga biyaha ee Boorama si rasmi ah loo dhimay, lagana dhigay 11,000 SL Shilin halkii cubic meter, halka uu hore uga ahaa 15,000 SL Shilin. Tallaabadan ayaa lagu wadaa in ay si weyn u yareyso culayska dhaqaale ee saaran qoysaska dakhligoodu hooseeyo, isla markaana kor u qaaddo helitaanka biyo nadiif ah.

Qorshaha Qaran oo Lagu Horumarinayo Adeegyada Aasaasiga ah:

Mashruucan ballaadhinta biyaha Boorama waxa laga filayaa inuu mustaqbalka dhow iyo kan fogba keeno isbeddel la taaban karo oo dhinacyada caafimaadka, kobaca dhaqaalaha, iyo kor u qaadidda tayada nolosha bulshada ah.

Mashruucu waxa uu tusaale fiican u yahay sida ay xukuumadda Somaliland iyo la-hawlgalayaasheedu diiradda u saarayaan sinnaanta helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee dalka. Iyada oo magaalooyinka Somaliland ay si xawli ah u kobcayaan, mashruucani waxa uu dhigayaa heer-cusub oo lagu qiimeeyo horumarinta kaabayaasha magaalooyinka, isla markaana muujinaya muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee ay Somaliland la leedahay hay’adaha caalamiga ah sida SDF.