Qisada : Guuldarada iyo Fashilka Beenta Samayska Ah!

0
109

Maalintii Imtixaanka loo fadhiisanayay ayay afar arday oo ka mid ahi imtixaan galayaasha ay isku raaceen in ay been sameeyaan si ay maalintaas imitixaanka uga baaqdaan oo maalin kale ay u fadhiistaan, ka dib markii ay habeenkii ku soo jeedeen daawashada ciyaaro calami ah.

Ardaydan ayaa la soo hadlay subaxnimadii macalinka Jaamacadda (Borofisoorka), iyagoo u sheegay in dalxiis kooban u bexeen ka dib soo noqodkii saaaka uu gaadhiga taayir ka qarxay, aniguna waxaanu joogna goob cid la’ ah, sidaa awgeedna ma iman Karo imtixaanka maanta.

Macalinka imtixaanka Jaamacadda (Borofosoorka) ayaa markii ka aqbalay codsigooda ah in dib loogu dhigo imtixaanka ardaydaasi. Dabcan aad ayay u farxeen markii uu fikirkoodu guulaystay.

Macalinka jaamacadda ayaa u sheegay wakhtiga ay fadhiisan doonaan imtixaanka dib loogu dhigay.  Maalintii loo balamay imtixaanka ayay afartii arday  soo diyaar garoobeen, macalinka ayaa fadhiisiyay goobo kala durugsan iyo ilaalo adag si aanay u kala eegan imtixaanka. Waxaana loo qaybiyay waraaqihii imitxaanka, waxa ay filayeen in su’aalaha imtixaanku yihiin cashadaradii ay soo barteen. Laakiin su’aalaha imtixaanka ayaa ah kuwo duwan ooka koobnaa kuwan hoose:

  • Gaadhiga taayirka idinka qarxay afarta taayir keebuu aha ?
  • Saacaddu imisadii ayay ahayd markii taayirku idinka qarxay ?
  • Afartiina keeba waday gaadhiga marka taayirku qarxay ?
  • Halkee ayaad fadhiday gaadhiga adigu, ma kursiga hore, mise kuwa danbe ?
  • Ma filaysaa inay saaxibada bixiyaan jawaabtaadan oo kale, su’aalahan ?

Haddii aad bixisaan jawaabo isku mid ah, waxaad helaysaan derejooyin buuxa imitxaanka. Haddii jawaabihiinu kala duwan yihiin, waxaad noqonaysa kuwa guuldarraysata oo dhacay imtixaanka. Beentu lug keliyay ayay leedahay, haddii la qabtana waa ay dhacdaa. Guuldarada u weyn waxa sababa marka xaqiiqda laga fogaado oo been la isku maaweeliyo si xalka mushkuladda loo gaadho.