Saadaasha cusub ee kumbuyuutarka Opta ayaa muujisay in Liverpool ay tahay kooxda ugu cadcad ee ku guuleysan karta UEFA Champions League xilli-ciyaareedka 2025–26, iyadoo la siiyay fursad boqolkiiba 20.4 ah.
Reds ayaa ku jirta meel ka sarreysa Arsenal oo fursaddeeda lagu qiyaasay 16%, iyo Paris Saint-Germain — kooxda difaacaneysa koobka — oo heysata boqolkiiba 12.1.
Saadaashan ayaa timid kadib markii Liverpool uga soo adeegatay suuqa kala iibsiga si la yaqaan. Waxey lasoo saxeexatay xiddigo ay ka mid yihiin Florian Wirtz iyo Alexander Isak. Marka la isku daro saxeexyadan cusub iyo guushii ay Reds ka gaadheen Premier League xilli-ciyaareedkii hore, Opta ayaa sheegtay in fursadahooda Champions League si weyn u kordheen. Kooxaha kale ee liiska ku jira waxaa ka mid ah Barcelona (8.4%), Manchester City (8.4%), iyo Chelsea (7.0%).
Haddii saadaashan ay rumoowdo, Liverpool ayaa ka dhigi doonta koobkan mid ay mar kale hanato 5 sano gudahood, iyadoo taageerayaashu durba rajeynayaan inay sii wataan guulihii xagaagii hore.

























