Trump oo Sheegay In aanu ku Faraxsanayn weerarkii Israa’iil ay ku qaadday Qadar

0
168

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in aanu  ku faraxsanayn” duqayntii cirka ee Israa’iil ay ka geysatay Qadar, taasoo sii kordhisay cadaadiska caalamiga ah ee ka dhashay ballaadhinta aan hore loo arag ee dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamaas.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarku uu ahaa “mid si buuxda cudur daar u leh,” maaddaama lagu beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan Xamaas oo la sheegay inay qorsheeyeen weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday Israa’iil, kaasoo bilow u noqotay dagaalka Qasa.

Xamaas ayaa sheegtay in shan ka mid ah xubnaheeda lagu dilay weerarka cirka ee Israa’iil ay ka geysatay caasimadda Qadar, balse waxay sidoo kale sheegeen in isku day lagu doonayay in lagu dilo xubnaha  wadaxaajoodka uu “fashilmay”.

Qatar ayaa cambaareysay weerarka Israa’iil, waxayna ku tilmaantay “mid fulaynimo ah” iyo “jabin cad oo lagu sameeyay sharciga caalamiga ah”.

Qadar waa xulafada muhiimka ah ee Maraykanka ee gobolka oo ah meesha uu ku yaallo saldhigga weyn ee ciidamada cirka Maraykanka.

Mar wax laga weydiiyay duqeymaha Israa’iil ee ka dhanka ah Qadar, Trump waxa uu yidhi: “Hagaag, kuma faraxsani… keliya kuma faraxsani xaaladda oo dhan, ma ahan xaalad wanaagsan.

“Laakiin sidan ayaan sheegayaa, waxaan rabnaa in la-haystayaasha dib loo soo celiyo, laakiin kuma faraxsanayn sida ay  u dhacday,” ayuu u sheegay warbaahinta.

Xamaas ayaa sheegtay in xunbaha  wada xaajoodku ay ka shirayeen soo jeedintii ugu dambaysay ee Maraykanka ee xabbad joojinta marinka Qasa oo ay ku lahaayeen dhisme ku yaalla magaalada Dooxa oo ay si xun u waxyeeleyeen qaraxyo is xigxigay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qadar ayaa sheegtay in hal askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka gudaha uu ku dhintay weerarka, kuwa kalena ay dhaawacmeen — balse may sheegin wax khasaare ah oo soo gaadhay Xamaas.

Qatar waxay martigelineysay xafiiska siyaasadda ee Xamaas tan iyo sanadkii 2012, waxaanay door muhiim ah ku leedahay wadaxaajoodka dadban ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil, iyada oo ay gadhwadeen ka yihiin Mareykanka iyo Masar.