Dalkee Xiga Oo Israa’iil Weerari Doontaa: Ma Sacuudiga, Masar, Mise Turkiga ???

0
159

Dadka Carabta ah ee isticmaala baraha bulshada ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin weerarka Israa’iil ay ku qaaday Qatar, taasoo ay ku bartilmaameedsatay madaxda sare ee Xamaas, arrintaas waxay keentay su’aasha ah waddankee noqon kara bartilmaameedka xiga ee Israa’iil.

 

Qaarkood waxay xuseen Masar, Sacuudi Carabiya, iyo Turkiga.

 

Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sidoo kale farta ku fiiqay Mareykanka iyo Britain, iyagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka yihiin weerarka, waxayna ku baaqeen in dalalka Khaliijka iyo Carabta ay si wadajir ah tallaabo uga qaadaan Israa’iil weerarradaas ay gaysatay.

 

Sebtembar 10keedii, dhowr hashtag oo Carabi ah, oo ay ku jiraan “Doha,” “Saldhigyada Mareykanka,” “Israa’iil,” iyo sidoo kale magacyada dalalka Carabta, ayaa ku soo kordhay shabakada bulshada ee X, oo kasbaday in ka badan 598,000 oo goor oo la wadaagay.

Maxaa xiga?

In badan oo ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala waxay rumaysan yihiin in weerarkii Dooxa uu ahaa farriin cad oo Israa’iil ka timid oo lagu bartilmaameedsanayo dalal kale oo carbeed, gaar ahaan Masar.

Hoggaamiyaha mucaaradka Masar Taariq Xabiib ayaan meesha ka saarin suurtagalnimada in Israa’iil ay weerarto Riyaad ama Qaahira, isagoo yidhi: “Tani way ka sahlan tahay sida ay u muuqato”.

 

Waxa uu sidoo kale ku booriyay taageerayaasha madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi in ay fahmaan in dalka uu “khatar ku jiro”.

 

“Israa’iil waxay si cad u sheegtay inaannay jirin wax xasaanad ah oo ay leeyihiin hogaamiyayaasha Xamaas meel kasta,” ayay tiri saxafiyadda reer Masar ee cilmi-baarahana ah Rania Badawi, iyadoo ka digtay in tani ay ka dhigan tahay “in martigelinta wafdigooda aannay hadda khatar siyaasadeed ahayn, balse ay khatar toos ah ku tahay ammaanka qaranka”.

 

Waxa uu intaasi ku daray “Kuwa leh Masar ma aha Qatar, Israa’iilna kuma dhiiraneyso inay sidaas sameyso waa sax, laakiin waxay iska indha tirayaan xaqiiqda jirta in maanta xaqiiqda jirta ay ka horimaneyso caqli-galnimada iyo in wixii shalay aan macquulka ahaynna ay maalin walba horteenna ka dhacayaan”.

 

Qof internetka isticmaala oo reer Urdun ah ayaa qoray in “Weerarkii Doha ka dib, dhammaan indhaha oo dhami ay ku soo jeedaan Masar,” isaga oo ka digaya “mashruuca Sahyuuniyadda iyo Maraykanku ma yaqaaniin wax xuduud ah: khiyaamo, go’doomin, qarxin… Waxay si tartiib tartiib ah ugu shidayaan Bariga Dhexe dab iyo sharaf dhac.”

 

Wuxuu intaas ku daray: “Qof kasta oo maanta dareemo ammaan berri wuxuu noqon doonaa bartilmaameed!”

 

Dhanka kale, Khaled Farid Salam ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku soo jeediyay in Turkiga uu sidoo kale noqon karo bartilmaameed macquul ah marka loo eego dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee gobolka.

 

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in “dhinaca Masar uu yahay midka ugu xasaasisan,” sababtoo ah waddanku wuxuu ka mid yahay goobaha colaadaha, wuxuuna wajahayaa dhaqaale xumo weyn.

 

Maxamed Hayef Al-Mutairi oo ah falanqeeye dhanka siyaasadda ah oo u dhashay dalka Kuwait ayaa sheegay in Israa’iil “aannay doonayn nabad, ama gorgortan, balse waxay doonaysaa inay xukun ku soo rogto dunida Carabta oo dhan.”

 

Waxa uu ugu baaqay dalalka caadi ka dhigtay xidhiidhka ay la leeyihiin Israa’iil in ay dib u eegaan mowqifkooda.

 

Kooxda “Omanis Against Normalizing Relations with Israel” ee barta bulshada ee X ayaa fariin ay u direen in ka badan 112,000 oo taageerayaashooda ah waxay ku qoreen “shalay Tunisia, maanta Doha, iyo berri dalkayga iyo dalkaaga”.

 

Maraykanka oo fasaxay

Isticmaalayaasha kale waxay tilmaameen doorka Maraykanka iyo UK, iyo sidoo kale “iskaashiga dawladaha Carabta” ee weerarkan cirka ah.

 

Cali Al-Sand oo ah Suxufi iyo Aqoonyahan u dhashay dalka Kuwait ayaa sheegay in Maraykanku uu siiyay ogolaansho si uu weerarka u dhaco.

 

Mid ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ee dalka Ciraaq ayaa sidoo kale soo daabacay sawir gacmeed uu ku sawiran yahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo gacanta ku haya sanduuq ay ka buuxaan lacago laga soo qaaday dalalka Khaliijka iyo Beershiya, isagoo sagootinaya Amiirka Qatar, Madaxweynaha Imaaraadka iyo Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo qaba nigisyo, isla markaana diyaarad raacaya.

 

“Lacagtooda ayaa lagu garaacay,” ayuu qoray isagoo sharraxaya qorshaha, wuxuuna raaciyay, “Lacagtu ma ilaaliso fulayada”.

 

Khaalid bin Seif oo ah ololeeye u dhashay Cumaan ayaa sheegay in haddii dalalka Khaliijka “ay u midoobi waayaan inay si cad ugu dhawaaqaan dagaal ka dhan ah Sahyuuniyadda, isla markaana ay xidhiidhka u jaraan Mareykanka, jawaab kale ma noqon doonto mid qiimo leh”.

 

Isxaaq Cali, oo hore u ahaan jiray u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha Sacuudiga, haatanna ku nool New Zealand, ayaa sheegay in weerarrada ay ka tarjumayaan “soo ifbaxa Israa’iil weyn”.

 

Qaar ayaa sidoo kale dhaleeceeyay joogitaanka saldhigyada militariga Mareykanka ee Qatar, iyagoo sheegay in saldhigyada ay yihiin xarumaha “gardarrada dagaalka”, halka kuwa kale ay ku adkeysanayaan: saldhigyadu waxay u jiraan oo keliya “in la ilaaliyo Israa’iil”.