Maxkamad Ku Taal Dal Afrikaan Ah Oo Xukuntay In Raggu Qaadan Karaan Magaca Danbe Ee Xaaskooda

0
190

Maxkamadda ugu sarraysa dalka Koonfur Afrika ayaa xukuntay in ragga guursaday ay qaadan karaan magaca labaad ee dumarka ay qabaan, taasoo meesha ka saaraysa sharci horay u diidayay in ay sidaas sameeyaan.

 

Guushan ayey gaareen labo lamaane ah oo dacwadda keenay, Maxkamadda Dastuuriga ah waxay sheegtay in sharcigaasi uu ahaa nidaam “soogalooti gumeysi ah” oo la xidhiidha takoorka ku saleysan jinsiga.

 

Henry van der Merwe, ayaa laga hor istaagay xaqa uu u lahaa inuu qaato magaca xaaskiisa Jana Jordaan, halka Andreas Nicolas Bornman aan loo oggolaan in uu magaciisa ku daro Donnelly – magaca xaaskiisa Jess Donnelly-Bornman – sida ay warisay warbaahinta qaranka, SABC.

 

Baarlamaanka ayaa hadda lagu khasbayaa inuu wax ka beddelo xeerka Diiwaangelinta dhalashada iyo geerida, iyo xeer hoosaadyadiisa, si go’aankaasi uu u dhaqan galo.

 

Sharcigan ayaa lagu soo rogay Koonfur Afrika xilligii ay dalka ka talinayeen caddaankii tirada yaraa.

 

Labo lamaane ayaa ku doodday in sharcigu uu ahaa mid duugoobay oo rag awoodsiin ah, isla markaana uu ku xadgudbay xuquuqda sinnaanta ee lagu damaanad qaaday dastuurka Koonfur Afrika markii ay meesha ka baxday hannaankii midab-takoorka sanadkii 1994-tii.

 

Waxay si guul leh ugu guuleysteen inay sharciga ku ridaan maxkamad hoose, balse waxay u gudbiyeen Maxkamadda Dastuuriga ah si ay u xaqiijiso xukunkaas.

 

Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa xustay in “dhaqammo badan oo Afrikaan ah, dumarku ay sii wadan jireen magacyadoodii dhalashada xitaa kadib guurka, caruurtuna inta badan qaadan jireen magaca qabiilka hooyadood,” balse arrintaasi ay isbeddeshay ka dib “markii ay yimaadeen gumeysatadii Yurub iyo diinfidiyeyaashii Masiixiga ahaa, kuwaas oo ku adkeeyay bulshada qiyamka Reer Galbeedka.”

 

“Caadada ah in haweenaydu qaadato magaca ninkeeda ayaa ka timid sharciga Roomaan-Duch-ka, waxaana si la mid ah la dhex geliyey sharciga guud ee Koonfur Afrika.

 

“Caadadan sidoo kale waxay salka ku haysaa sharciyo ay soo rogeen dalalkii gumeysan jiray waddamada Afrika ee ka hooseeya Saxaraha,” ayay tiri maxkamaddu.

 

Waxay intaas ku dartay in Koonfur Afrika ay horumar weyn ka samaysay sinnaanta jinsiga, balse ay weli jiraan sharciyo iyo dhaqammo sii hurinaya “aragtiyo xun-xun oo wax u dhimaya bulshada.”

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Leon Schreiber iyo Wasiirka Caddaaladda iyo Horumarinta Dastuurka Mamoloko Kubayi midkoodna ma diidin codsiga labadan lamaane, waxayna labadooduba ku heshiiyeen in sharcigu yahay mid gaboobay.

 

Urur sharciyeedka ah qareeno la yidhaahdo “Free State Society of Advocates” ayaa iyagunaku biiray kiiska maxkamadda iyagoo taageeraya labada lamaane.

 

Waxay ku doodeen in xaddidaadda xuquuqda ragga ee ah inay qaataan magaca dumarkooda ay sharcigu sii hurinayo aragtiyo xun-xun, maadaama uu diidayo ragga ikhtiyaar ay dumarku haystaan, sida uu weriyay warsidaha mareegta internetka ee loo yaqaanno Sowetan.

 

Marka lago soo tago dalka ku yaalla Koonfurta Afrika, waxaa jira dalal badan oo Afrika iyo kuwa kale oo kaga duwan nidaamkan.