Obi Mikel Oo Si Aan Gabasho Laheyn U Shaaciyay Kooxda Ugu Awoodda Badan Premier League Xilli Ciyaareedkan

0
152

Ciyaaryahankii hore ee Nigeria iyo Chelsea, John Mikel Obi, ayaa sheegay in Arsenal ay haatan tahay kooxda ugu xooggan horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa xagaagan ku qarashgareysay suuqa in ka badan £250 milyan, iyadoo soo qaadatay sagaal ciyaaryahan cusub, si ay u dhammaystirto qorshaha tababare Mikel Arteta ee ku guuleysiga horyaalka.

Viktor Gyökeres ayaa ahaa saxeexoodii ugu weynaa, isagoo ah weeraryahankii dhabta ahaa ee ay muddada dheer u baahnaayeen. Waxaa sidoo kale lagu soo daray kooxda Eberechi Eze, Martin Zubimendi, Noni Madueke, Christian Norgaard, Kepa Arrizabalaga, Cristhian Mosquera iyo Piero Hincapié.

Mikel Obi ayaa ku ammaanay maamulka Gunners taageerada ay siiyeen tababaraha, wuxuuna yidhi:

“Kooxdu mar kale way taageertay Arteta. Waxay haystaan kooxda ugu xooggan horyaalka – iyaga iyo Liverpool. Marka la eego ballaarnaanta kooxda, Arsenal waxay u heysataa boos walba laba ciyaariyahan.”