Goolhayaha reer Cameroon Andre Onana ayaa si amaah ah ugu biiray kooxda Turkiga ee Trabzonspor, kaddib markii uu dareemay in lagu khasbay inuu ka tago Manchester United.
Wargeyska Manchester Evening News, gaar ahaan weriyaha Samuel Luckhurst, ayaa sheegay in imaatinka goolhayaha da’da yar ee 23-jirka ah Senne Lammens uu qalqal ku keenay qolka labiska United, iyadoo ciyaartoyda qaar aaminsanaayeen in joogitaanka Onana uu dhalin lahaa “dhibaato”.
In kasta oo Onana horey ugu adkeystay inuu sii joogi doono Old Trafford, hadana qaladyo culus oo uu sameeyay guuldarradii lama filaanka aheyd ee Grimsby Town ayaa sababtay in la fadhiisiyo, ka hor inta aannu kursiga keydka ka daawan guushii 3-2 ee Burnley.
Wararka gudaha ayaa tilmaamaya in Onana uu saxeexa Lammens u arkay in kooxda ay jihada beddeshay, taas oo ku qasabtay inuu raadsado fursad ciyaar joogto ah.
Onana oo United ku biiray xagaagii 2023, ayaa wajahay cadaadis joogto ah tan iyo imaatinkiisa, waxaana hadda la filayaa inuu dib u bilaabo xirfaddiisa horyaalka Turkiga.

























