Wakhtigii Pep Guardiola Waa uu Soo Dhammaaday

0
164

Dietmar Hamann ma aaminsana in Pep Guardiola aannu mar kale koob weyn kula guulaysan doonin Man City inkasta oo uu yahay mid ka mid ah tababarayaasha ugu guulaha badan taariikhda kooxda.

Tababaraha reer Spain ayaa kooxda joogay muddo 9 sano ah oo uu kula guulaystay 6 premier League, laba FA Cup, 4 League cup Iyo hal champions League.

Si kastaba ha ahaatee, shakiga weli wuu ka taagan yahay mustaqbalkiisa Manchester, inkasta oo uu saxeexay heshiis cusub oo laba sano ah bishii November ee lasoo dhaafay.

City waxay ku dhammaysatay kaalinta saddexaad ee Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxayna ka hartay Champions League wareega bug-baxda markii ay Real Madrid ka adkaatay, sidoo kale waxay kaga hartay League Cup wareega 16-ka markii ay Tottenham Hotspur ka adkaatay, waxaana laga badiyay final-ka FA Cup iyadoo ay Crystal Palace garaacday.

Koobkii Adduunka ee Naadiyada ee xagaagan ka dhacay Maraykanka sidoo kale wuxuu u ahaa niyad-jab kooxda Citizens, kuwaas oo looga reebay wareega 16-ka ay ka reebtay kooxda Al-Hilal.

Xiddigii hore ee City, Hamann, ayaa aaminsan in xilligii dahabiga ahaa ee Guardiola ee kooxda uu hadda soo dhammaaday.

Isaga oo la hadlayay wargeyska MEN isagoo u maraya Grosvenor Casinos, 52-jirka Hamann wuxuu yidhi:

“Wax walba waxay leeyihiin dhammaad. Waxaan aragnay [Jürgen] Klopp oo ka tagay kooxda [Liverpool] kadib siddeed sano ama wax la mid ah. Wuxuu yidhi, ‘waxay ahayd shaqo aad u adag, waxaana u baahnahay nasasho.’

“Hadda, Guardiola wuu joogay ugu yaraan hal ama labo xilli ciyaareed ka dheer [Klopp], waana shaqo aad u culus. Waxaa jira mas’uuliyado badan — ma aha kaliya kubadda cagta, waa warbaahinta, safarada…

“Shaqadaas way kaa daalineysaa. Anigu si dhab ah waxaan dareemayay, xilli ciyaareedkii horeba, in la yaab igu noqotay inuu wali xilka hayo marka uu dhammaaday xilli ciyaareedkii. Dabcan, way adag tahay ama lama filaayo in la ceyriyo, sababtoo ah waxyaabo badan oo fiican ayuu qabtay. Waxaana la ogyahay in [Txiki] Begiristain iyo raggii Barcelona ka yimid ay hadda maamulaan Manchester City.”