Xikmadda Maanta

0
148
  • Ha la saaxiibin dadka ceebaha dadka baadhbaadha.
  • Guushu waa arrin si adaga lagu gaadho
  • Samir, xikmad iyo cadaalad samee adiga oo awood leh, iska saamax oo cafi dadka adigoo aarsan kara.
  • Kuwa fashilma waxa sabab u ah waxay ka baqaan tijaabada.
  • Ma jiro qof sabool ku noqday sadqad uu bixiyay.
  • Aduunyadu waa dugsi, maamulaheeduna waa wakhtiga, maclinkeeduna waa Qadarka ardayduna waa dadka.
  • Weliga xasadka iska jir, maxaa yeelay inaad bakhtiiso shamaca qof kale , iftiin u kordhin mayso shamacaaga.

Qiso: Nin geel-jire ah ayaa libaax ku soo baxay, waana uu ka cararay. Markii dambe waxaa la weydiiyay: “Maxaad uga carartay?”
Wuxuu ku jawabay: “Ma hubin inuu i cunayo iyo in kale, laakiin aniga ma rabin inaan tijaabiyo taasi.” Xikmad:“Xigmaddu waa inaad ka fogaato khatarta inta aan dhibaatadu