Madaxweynaha oo Dhagax-Dhigay Dhismaha Laanta Bangiga ee Sallaxlay

0
138

 

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha JSL Mudane, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha Laanta Baanka Somaliland ku yeelanayo degmada Salaxlay ee gobalka Maroodijeex taas oo muhiimad weyn u leh horumarka degmada, ganacsiga iyo guud ahaan kobaca dhaqaalaha.

Munaasibaddii dhagax-dhigga ee Laanta Baanka Somaliland ee degmada Salaxlay, ayaa waxa goobjoog ka ahaa ku simaha guddoomiyaha Baanka Dhexe ahna guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland Mudane Xamse Cabdiraxmaan Kheyre, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Mudane Yaasiin Calase iyo mas’uuliyiin kale.

Laanta Baanka Somaliland uu ku yeelanayo degmada Salaxlay, ayaa noqonaysa Laantii afaraad ugu na dambaysay ee Baanka Dhexe ku yeesho afarta degmo ee uu ka kooban yahay Gobalka Maroodijeex, waxaana ay ka kooban tahay dhisme dabaq ah oo ku fadhiya baaxad dhuleed oo aad u weyn, waxaana ay Laantani qaban doontaa dhammaan adeegyaddii uu qaban jiray Baanka Somaliland sida bixinta mushahaaraadka shaqaalaha dawladda, dhigista dakhliga cashuuraha, Sarifka lacagaha, iyo bixinta Deymaha.

Laantan, ayaa sidoo kale ka qeybqaadan doonta bilicda iyo horumarka degmada, waxaana soo kordhin doontaa shaqo abuur aad u badan, iyada oo sidoo kale na ay dadka deegaanku ka faa’idaysan doonaan maalgelinada uu bixin doono Baanku marka la sameeyo Bangiga Ganacsiga ee Somaliland kaas oo wax weyn ka tari doona kobaca ganacsiga, iyo guud ahaan ahaan dhaqaalaha degmada Salaxlay.

Ku simaha guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe ee JSL Mudane Xamse Cabdiraxmaan Kheyre oo hadal ka jeediyey munaasibaddii dhagax dhigga Laanka Baanka Somaliland ee degmada Salaxley, ayaa wuxu faahfaahin ka bixiyey dhismaha Laanta Bangiga Dhexe ee JSL ee Salaxlay.

“Dadweyne ku dhow 100,000 oo qof oo nidaamka Maaliyaddeed ku jirin ayaad Mudane Madaxweyne u saamaxday inay ka mid noqdaan, dhismaha aynnu maanta halkan ku soo bandhigaynaa na wuxu ka kooban yahay dhisme hal dabaq ah, cabir ahaana waa 4500M2, dherarku waa 100M wax ku dhow, balacu na waa 50M, intaan dhisaynaa waa 600M2, waana hal dabaq oo wuxu ka koobnaan doonaa Hoolka shirarka, xafiisyada iyo meel ay galaan shaqaalahu”.Ayuu yidhi Xamse Cabdiraxmaan Khayre

Ku simaha guddoomiyahu, wuxu intaa ku daray: “Mashruucan marka Banka Qoolcaday innoo midho dhalo ee aynnu horumarkaa helno ee xoolahu tartaan ee dadku barwaaqoobo, wixii gashi iyo xoolo ba ka soo gala halkay dhigan lahaayeen weeye, markay abaarta ka soo kabanayaana waxa weeye halkay maalgelinta iyo deynta ka qaadan doonaan sababtoo ah isbeddelka aanu bagiga ku wadno, wuxu bangigu yeelan doonaa qeyb ganacsi”.

Madaxweynaha JSL Mudane, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa isagu na mas’uuliyiinta Baanka Dhexe ku boggaadiyey dhismaha Laantan cusub ee Bangigu ku yeelanayo degmada Salaxlay, waxaana uu carabka ku dhuftay inuu si weyn uga qeybqaadan doono horumarka degmada iyo guud ahaan deegaanka Salaxlay.

“Waxa aan u mahadnaqayaa guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe JSL Mudane Xamse Kheyre ahna ku simaha guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud Mudane Yasin Calase oo gartay in Baanka Somaliland uu Laan ku yeesho degmada Salaxlay oo ah degmada afaraad ee gobalka Maroodijeex, waanan ku boggaadinayaa, sidaas uu guddoomiye ku xigeenku sheegayna waxa ay ka qeybqaadan doontaa horumarka degmada ee dhinac kasta, waxaana uu Baanku ku talo jiraa in la sameeyo Baankii Ganacsiga, markaas na wuxu noqon doonaa meel dadka wax tarta”. Ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro