diyaare: cadnaan bile jamac
Barnaamijkeena Kalluumeysiga ee toddobaadkan, waxa aynu diiradda ku saaraynaa faa’iidooyinka caafimaad ee kalluunka.
Kalluumeysi ma aha oo keliya xirfad lagu qabto kalluun, balse waa fursad weyn oo lagu daryeelo caafimaadka jidhka iyo maskaxda, maanta, waxaan si kooban u eegi doonnaa 13 faa’iido oo kalluunka iyo kalluumeysigu u leeyihiin nolosha caafimaad qaba.
Kow : Faa’iidooyinka Jidhka
- Jimicsi Fudud
Kalluumeysi waa nooc jimicsi ah. Inaad lug ku tagtid meelaha kalluunka lagu helo, inaad biyaha dhex mushaaxdo, ama aad fuusho dooni ama laash dhammaantood waa dhaqdhaqaaqyo wanaagsan.
- Hawada Nadiifka ah
Markaad ka baxdo magaalada, oo aad tagtid xeeb ama webi, waxaad heleysaa hawo dabiici ah isla markaana nadiifa taas oo u fiican sambabada iyo caafimaadka guud.
- Ka faa’ideysiga Cadceeda
Qoraxdu waxay jidhka ka caawisaa inuu sameeyo vitamin D, oo muhiim u ah lafaha, dhiigga, iyo difaaca jidhka, waxaa kaloo ay hagaajisaa hurdadaada iyo niyaddaada.
- Cunto Caafimaad leh
Kalluunka cusub ee aad karsato isla markiiba waa cunto caafimaad leh, waxa uu ka kooban yahay borotiin, omega-3, kalsiyum, iyo fitamiinno badan oo jidhka ka taageera wadnaha iyo lafaha.
- Kalluumeysi waa jimicsi u fiican dheelitirka jidhka
Markaad dooni ama biyo dushooda istaagto, jidhkaagu wuxuu baranayaa inuu dheelitir sameeyo, taasoo kor u qaadaysa murqaha iyo xasilloonida jidhka.
- Difaaca jidhka wuu xoogeysanayaa
Kalluumeysi wuxuu hoos u dhigaa walwalka (stress), taasoo sare u qaadda difaaca jidhka, sidoo kale walwalka badan wuxuu dhaawici karaa caafimaadka, laakiin kalluumeysi wuxuu kaa dhigaa mid deggan oo faraxsan.
Laba : Faa’iidooyinka Maskaxda
- Diiradda iyo dulqaadka
Kalluumeysi wuxuu u baahan yahay feejignaan iyo dulqaad, inaad sugto kalluunka oo aad feejignaato marka uu qaniino waa tababar sabir iyo maskaxeed.
- Walwalka iyo walbahaarka ayuu yareeyaa
Kalluumeysi wuxuu kaa saaraa noolosha qofka buuqa, wuxuu gayeysiiya meel deggan, biyo nadiif ah, iyo jawi dabiici ah, tani waxay kaa caawineysaa inaad iska ilaaliso xanuunada la xiriira welwelka.
- Is-ku kalsooni iyo adkeysi
Ma jiro kalluumeysato mar walba guuleysata, balse guusha marka ay timaaddo waxay kor u qaaddaa kalsoonida, guuldarada waxay dhistaa dulqaad iyo karti aad ku sii dadaalayso.
- Wada-jirka Qoyska iyo Saaxiibada
Kalluumeysi waa hawl qof walba ka qayb qaadan karo caruur, waayeel, rag iyo dumar, waa hab fiican oo lagu xoojiyo xidhiidhka qoyska iyo saaxiibtinimada.
- Barashada Isku-tashi
Kalluumeysigu wuxuu u baahan yahay go’aan qaadasho, meesha ugu fiican, xilliga ugu habboon, iyo waxa kalluunka lagu qabsado, marka aad adigu xal u hesho, waxaad barato isku-tashi.
- Dulqaad La Dhalasho
Qabashada kalluunka aadka loo raadiyo sida salmon ama trout waxay qaadan kartaa maalmo, Kalluumeysigu wuxuu barayaa in guushu aanay imaanin si degdeg ah, ee ay u baahan tahay dulqaad.
- Fursad Socdaal iyo Dalxiis
Kalluunka ugu fiican wuxuu ku jiraa meelo qurux badan oo dabiici ah, marka kalluumeysi wuxuu noqdaa fursad lagu safro, lagu arko dalka ama dibadda, laguna raaxeysto dabeecadda.
Kalluumeysi waa mid ka mid ah hawlaha nolosha lagu raaxeysan karo laguna helo caafimaad jidheed iyo maskaxeed.
Nuxurka Fariinta Barnaamijkan:
Barnaamijku waxa uu gudbinayaa farriin ku saabsan, faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo kalluumeysiga iyo cunista kalluunka ee xagga jidhka iyo maskaxda.
Ujeeddada Fariinta.
In la fahamsiiyo bulshada in uu yahay dhaqdhaqaaq caafimaad, in uu ka qayb qaato kor u qaadista caafimaadka jidhka iyo maskaxda, in uu yahay fursad lagu xoojiyo xidhiidhka qoyska iyo bulshada, in uu yahay hab dabiici ah oo lagu yareeyo walwalka iyo walbahaarka
Qodobbada ugu Muhiimsan ee Barnaamijka Toddobaadkan
- Kalluumeysi ma aha oo kaliya shaqo, waa jimicsi iyo hawo nadiif ah.
- Kalluunka la cuno waa cunto nafaqo leh, wuxuu xoojiyaa wadnaha iyo lafaha.
- Deegaanka kalluumeysiga waa meel maskaxda lagu dejiyo lana nasto.
Fariinta barnaamijku waa in bulshadu ay u arkaan kalluumeysiga sidii daawo dabiici ah oo caafimaadka, nolosha, iyo farxadda kor u qaada.

























