Barcelona Oo Qorshe Qarsoodi Ah U Dejisay Saxeexa Erling Haaland!

0
191

Wararka ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, uu si weyn ugu dheggan yahay qorshaha uu ku doonayo weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, isla markaana uu aaminsan yahay in xiddiga reer Norway uu mustaqbalka ku biiri doono kooxda Catalonia.
Raadinta Haaland ayaa noqotay mashruuc shaqsi ah oo uu Laporta si gaar ah u hoggaaminayo, inkastoo dhibaatooyinka dhaqaale ee Barcelona ay hore u adkeeyeen in heshiiska la hirgeliyo. Si kastaba, Laporta ayaa marar badan ku celiyay in “wax walba ay suurtagal yihiin” isagoo muujinaya go’aankiisa joogtada ah – xitaa ka dib markii Haaland uu bishii Janaayo 2025 heshiis cusub oo muddo dheer ah u saxeexay Man City.
Haaland ayaa xilli-ciyaareedkii 2024-25 mar kale muujiyay awooddiisa gool dhalinta, isagoo dhaliyay 34 gool iyo shan caawin 48 kulan oo tartamada oo dhan ah.