Dadka reer Malawi ayaa u dareeray doorashooyinka madaxweynenimada iyo tan baarlamaanka, kaddib shan sano oo qalalaase ah oo ay xaaladda dhaqaale kasii dartay waddanka ku yaalla koonfurta Afrika.
Madaxweynaha xilka haya, Lazarus Chakwera, ayaa doonaya inuu mar labaad xafiiska kusoo noqdo, iyadoo ninka la tartamaya ee ugu weyn uu yahay Peter Mutharika, oo ah siyaasi da’ ah oo hore xukunka u soo qabtay.
Magaalooyinka gudaha, ololaha doorashada waxaa qariyay shidaal yari baahsan, taasoo sababtay safaf dhaadheer oo loogu jiro kaalmaha shidaalka. Sicir-bararka iyo nolosha oo qaali u noqotay ayaa sidoo kale ka mid ah arrimaha ay dadweynuhu aadka uga walaacsan yihiin.
Doorasho labaad ayaa la qaban doonaa haddii musharaxna aanu helin in ka badan 50% codadka la dhiibtay doorashada Talaadada.






















