Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Horumarinta khayraadka dawladda ayaa ah laf-dhabarta dhaqaalaha qaranka. Mashruuca Kobcinta Khayraadka dawladda (Somaliland Enhancing Public Resources: SERP), oo uu maalgaliyo Bangiga Adduunku, waxa uu si toos ah ula xidhiidhaa dhisidda awoodda hay’adaha dawliga ah ee gacanta ku haya dhaqaalaha iyo maamulka hantida qaranka. Waxa ay si toos ah u taabanayaan kobcinta iyo horumarinta maaliyadda, shaqaalaha iyo maamulka, hanti-dhawrka, xeer-hoosaadyada la xidhiidha kormeerka hantida, iyo nidaamyada qandaraasyada qaranka.
Kulan-hawleed socon doona muddo sadex cisho ah oo ay isugu yimaadeen Daneeyayaasha Mashruuca Horumarinta Khayraadka Dawladda ayaa fursad muhiima u ah daneeyayaasha mashruuca: taas oo diirrada lagu saaray in ay si caddaalad ah loo qiimeeyaan wixii qabsoomay, caqabadihii lala kulmay iyo meelaha loo baahan yahay in dib loo habeeyo. Dib-u-eegista noocan ahi waa tiir lagu hubiyo in hantida dadweynaha aan lagu lumin hab-raacyo liita, isla markaana lagu xaqiijiyo in maalgashiga Bangiga Adduunka uu gaadho bulshada.
Maalgelinta Bangiga Adduunka ee SERP waa markhaati cad oo muujinaya in Somaliland la rumaysan yahay in ay ku tallaabsatay horumar, hufnaan, karti iyo maamul dhaqaale casri ah. Si kastaba ha ahaatee, kaalinta ugu weyn waxaa iska leh hay’adaha gudaha. Haddii aan la helin mas’uuliyad qaran iyo hoggaan daacad ah, maalgashiga shisheeye ma dhalin doono natiijo waarta.
Kulanka dib-u-eegista SERP waa tijaabo kale oo lagu cabbirayo sida ay Jamhuuriyadda Somaliland ugu jiro hannaan dawladeed oo casri ah, maamul maaliyadeed oo hufan oo isla-xisaabtan ku dhisan. Haddii casharrada laga bartay lagu daro qorshayaasha cusub, mashruucan wuxuu noqon karaa tiir lagu dhiso dhaqaalaha qaranka iyo kalsoonida bulshada.






















