Dawan Staff
Hargeysa (Dawan)- Go’aanka ay Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland ku ansixisay Qorshaha Xaaladaha Degdegga ah ee Waxbarashada waa mid mudan in lagu bogaadiyo, isla markaana loo arko tallaabo istaraatiiji ah oo waafaqsan baahida dhabta ah ee dalka. Iyadoo Somaliland ay la tacaalayso caqabado ay kamid yihiin abaaro soo noqnoqda iyo masiibooyin dabiici ah, waxaa lama huraan noqotay in la helo hannaan suurtagelinaya in ardayda aanay waxbarashada ka hadhin, xitaa marka ay xaaladuhu aad u adag yihiin.
Kulankii ay hogaaminayeen Wasiiru-dawlaha Maxamed Yuusuf Ibrahim iyo Agaasimaha Guud Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi, oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta sare ee Wasaaradda iyo wakiillo ka kala yimid gobollada, wuxuu muujinayaa in arrintani tahay mid mudnaanta koowaad leh. Sida xogta la soo bandhigay tilmaamayso, xaaladaha degdegga ah waxay saameyn weyn ku yeeshaan waxbarashada, gaar ahaan ardayda ku nool meelaha nugul. Waxaa muhiim ah in wax laga qabto, si aanay u lumin fursadooda nolosha.
Qorshahan cusub wuxuu ka tarjumayaa u diyaar garow heer qaran oo ku saleysan xog iyo baadhitaan dhab ah. Waxa uu dhidibada u taagayaa nidaam wax-ku-ool ah oo la jaanqaadi kara xilliyada adag, iyadoo la diyaarinayo xarumo waxbarasho oo beddel ah, qalab waxbarasho oo degdeg ah, iyo tababaro la siiyo macallimiinta si ay uga jawaabi karaan xaaladaha caynkaas ah.
Sidoo kale, waxaa mudan in la xuso ballanqaadka uu Wasiir Prof. Ismaaciil Ducaale Yusuf ku muujiyay in wasaaradda ay ka go’an tahay difaaca xuquuqda waxbarasho ee carruurta, taas oo ah tiir-dhexaadka horumarka mustaqbalka dalka.
Gabagabadii, qorshahan waa in aanay noqon oo keliya mid ku ekaada qoraal iyo shir, balse waa in si buuxda loo dhaqan-geliyaa iyadoo la helayo taageero dhaqaale iyo farsamo. Waxa sidoo kale lagama maarmaan ah in hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah la iska kaashado hirgelinta qorshahan. Carruurteennu waxay mudan yihiin waxbarasho joogto ah, xitaa marka ay xaaladuhu adag yihiin. Taas ayaana ah furaha horumar waara.






















