Borama (Dawan):- Maareeyaha guud ee wershadda ROYAL FOAM QUALITY FIRST Cabdiqaadir Muunin Jaamac, ayaa sheegay in dabkii wershada qaybo ka mid ah gubay uu qeystay khasaare lagu qiyaasay illaa boqolkiiba soddon. isla markaana ay shalay tijaabiyeen qaybaha kale ee wershadda oo ay shaqaynayso.
Waxaanu intaa ku daray in shaqada Wershadu ay socoto oo aanay istaagin qaybo ka mid ah meelaha dabku saameeyayna ay mishiino kale oo dibedda laga keenay u kicinayaan.
Maareeyaha ee shirkadda Royal Foam Quality First oo u warramayay Wargeyska Dawan. Waxa uu ugu bushaareeyay macaamiisha shirkadda ee dalka gudihiisa iyo wadamada jaarkaba in ay helayaan waxsoosaarkii shrkadda marka laga reebo furaashka dibbiga (Furaashka adag) oo qaybtii soo saaraysay ay gubatay.
Wershadda Royal Foam oo ah wershada buushka iyo Furaashyada ee Boorama oo ah Wershada ugu wayn ee Somaliland ku taalla oo dab ka kacay isla markaana uu qasaare kala duwan oo hantiyeed soo gaadhsiiyay, ayuu Maareeyaha guud ee Wershadda oo waraysi gaar ah Khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan, waxa uu intaa raaciyay in Xukuumadda iyo ganacsataduba usoo tacsiyeeyeen balse aanu jirin gurmad maaliyadeed oo soo gaadhay.
Maareeye Cabdiqaadir oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay qasaaraha dabku gaadhsiiyay wershadda iyo waxsoosaarkeedii, ayaa yidhi. “ Dabku wuxuu saameeyay wershada boqolkiiba soddon markaan eegnay, markaa waxaan ka baqaynay in qaabka korontada ee Wershada oo ah dhulka hoostiisa in uu waxyeeleeyay, markaan (saaka) shalay eegnay sadex hangar oo dabku saameeyay mooyaane sadexdii kale way noo shaqeeyeen, xafiisyadii shaqadu ka socotayna way noo shaqeeyeen, xafiisyadii xisaabaadka, xafiisyadii kamarada intiiba way shaqaynayaan, markaa shaqadii shikadu boqolkiiba todobaatan way badbaaday stock wanaagsan oo ay ku shaqaysaana wuu yaallaa meelihii gobolaada ay wax ka go’naayenna saaka (shalay), ayaan u rarnay”
Maareeye Cabdiqaadir oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay qasaaraha boqolkiiba soddonka ahi qalab iyo hanti midka uu saameeyay, ayaa yidhi. “Agab iyo mishiino na way ku gubteen, laakiin mishiinada qaarna waan u istaagaynaa oo ah mishiinada Sameeya dibbiga (Furaashka adag) qaybtaasi way baa ba’day qaybta samaysa barkimooyinka oo iyaduna gubatay waxaan kicinaynaa wershad samaysa barkimooyinka iyo duraaxadaha oo Spain laga keenay markaa imika culayska ugu badani wuxuu ka jiraa furaashkaa dibbiga ah”
Maareeyaha ayaa intaa raaciyay. “Guud ahaan macaamiisha Somaliland waxaan u sheegaynaa in shaqadu sii soconayso shirkadda Wershadda Royal Foam na waa wershada ugu wayn ee Somaliland furaashkaa dibiga ah oo intiisa badan Itoobiya qaadan jirtay mooyaane waxsoosaarkii kale ee wershadda macaamiisha Somaliland iyo dalalka deriskuba way shayayaan, wershadaha kale ee dalkana xidhiidh wada shaqayneed ayaannu leenahay oo waxyaabo aanu iska kaashano ayaa jira.”
Maareeye Cabdiqaadir oo ka jawaabayay in gurmad taakulan ahi soo gaadhay iyo in kale, ayaa yidhi. “Xukuumaddu way timi qasaarahana way nala arkeen baananka Somaliland iyo shirkadaha ganacsataduba way nala soo xidhiiidheen waanay noo tacsiyeeyeen laakiin gurmad dhaqaale meelna nagama soo gaadhin.” ayuu yidhi Maayeeya guud ee shirkadda ROYAL FOAM QUALITY FIRST oo u warramayay Wargeyska Dawan.






















