Fursad Cusub oo loo Abuurayo Degmooyinka Somaliland

0
127

“Xoojinta Maamul-Daadejinta iyo adeegyada dawladaha hoose: furaha horumarka degmooyinka Somaliland”

“Wasaaradda Dawladaha Hoose ee JSL oo qaaday tallaabo lagu horumarinayo Mustaqbalka Dawladnimada Somaliland”

 “Himilo Qaran: Magacaabista guddoomiyayaasha degmooyinka JSL waa astaanta horumarinta dalka iyo dawladnimada casriga ah”

 Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Md. Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macallin), ayaa qaaday tallaabo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo maamulka dawladaha hoose ee degmooyinka dalka iyo adeegyada ay bulshada u hayaan. Tallaabadan, oo ahayd shirkii maamul-daadejinta degmooyinka dalka ee lagu qabtay Boorama oo ay ka qayb galeen maayaraeda dalka iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha qaranka iyo magacaabista masuuliyiin cusub oo ka hawlgeli doona degmooyin badan oo dalka ah, waxay muujinaysaa heerka go’aan qaadashada wasiirka oo ku dhisan aragti fog iyo dadaal joogto ah, taas oo ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay ku wajahayso horumarinta adeeyada iyo maamulka dawoladaha hoose.

Maamulka dawladaha hoose waa laf-dhabarta adeegyada dadweynaha, isla markaana waa halka ugu horreysay ee muwaadin kastaaba uu ka dheehan karo waajibaadka iyo adeegyada dawladda, taas oo si cad ugu iftiiminaysa saamaynta tooska ah ee dowladnimadu ku leedahay noloshiisa. Sidaas darteed, xoojinta daahfurnaanta, isla xisaabtanka, iyo tayada hoggaanka heer degmo waa tallaabo si toos ah u saameynaysa xasilloonida, horumarka, iyo kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha dawladda.

Barnaamijka Maamul-Daadejinta ee Degmooyinka Dalka:

Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL, Mudane Xasan Axmed Ducaale, iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Mudane Cali Cige Maxamuud, ayaa toddobaadkan si mug leh u muujiyay hoggaamin togan iyo aragti qaran oo ku saleysan xoojinta adeegyada bulshada ee ay bixiyaan dawladaha hoose ee dalka iyo horumarinta nidaamka maamul ee degmooyinka. Dadaalkooda waxa si muuqata looga dheehan karaa shirkii heer qaran ee ka qabsoomay magaalada Boorama, kaas oo ujeeddadiisu ahayd xoojinta iyo dardargelinta barnaamijka maamul-daadejinta ee degmooyinka, si kor loogu qaado hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo waxqabadka hay’adaha dawladda ee heer deegaanka, taas oo suuro-gelinaysa in degmo kasta oo dalka ka mid ahi ay noqoto mid awood u leh inay si madax-bannaan u maamusho adeegyada bulshada.

Sidoo kale dhacdadan ayaa muujinaysa in masuuliyiinta wasaaradda dawladaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka Somaliland ay tusaale u yihiin hannaanka cusub ee ay xukuumadda wadajir iyo waxqabad Jamhuuriyadda Somaliland ku doonayso, isla markaana ay ku wajahayso dhismaha dawlad hoose oo awood leh, isla markaana xog-ogaal u ah baahiyaha dadka ay u adeegayaan.

Shirka Boorama waxa uu sidoo kale calaamad u yahay bilow cusub oo ku saleysan fahamka qotada-dheer ee ku salaysan muhiimadda ay leedahay in nidaamka dawladnimo laga bilaabo heer degmo.

Maayarrada degmooyinka dalka iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Jamhuuriyadda Somaliland oo si wadajir ah uga soo qayb galay shirkan ayaa ka wada arrinsaday sidii bulshada loo gaadhsiin lahaa adeegyo hufan oo tayo leh. Shirkaas oo ah mid lagu dhisayo saldhig adag oo lagu horumarinayo degmooyinka dalka ayaa u muuqda tallaabo hor leh oo iftiiminaysa in Somaliland si dhab ah u qaadday dariiqa dawlad-wanaagga iyo horumarka, iyada oo lagu dhisayo maamulka deegaanka awood iyo aqoon u leh hogaaminta bulshada ay matalaan.

Xoojinta Maamul-Daadejinta Degmooyinka Dalka:

Magaalada Boorama ayaa toddobaadkan martigelisay shir heer qaran ah oo muhiimad gaar ah u leh mustaqbalka maamulka degmooyinka iyo horumarinta magaalooyinkae Jamhuuriyadda Somaliland. Shirkan oo uu si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL, Mudane Xasan Axmed Ducaale, waxa uu si qotodheer diirradda u saaray horumarinta barnaamijka maamul-daadejinta. Waxaana ka qaybgalay maayarrada degmooyinka dalka iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawladda. Waxaanu calaamad u yahay jihada saxda ah ee la qaaday ee ku wajahan dhismaha nidaam hufan oo dawladeed, kaasoo saldhiggiisu yahay is-maamul degmo oo si dhab ah uga jawaaba baahiyaha shacabka.

Maamul-Daadejinta: Laf-dhabarta Nidaamka Dawlad-wanaagga

Maamul-daadejintu maaha oo keliya aragti siyaasadeed; waa laf-dhabarta nidaamka dawlad-wanaagga casriga ah. Waa hab la isku halleyn karo oo lagu gaadhi karo wax-ku-oolnimo, hufnaan, iyo isla xisaabtan ka dhex dhaca hay’adaha heer qaran iyo kuwa heer degmo. Shirkan ka qabsoomay Boorama waxa uu caddeyn u yahay sida ay Somaliland uga go’an tahay hirgelinta nidaam dawladeed oo wax ku ool ah, kaasoo loo dhisay in uu la jaanqaado baahiyaha dhabta ah ee bulshada iyo hanaanka maamulka ee heer caalami.

Xoojinta Dawladnimada iyo Horumarka Qaranka:

Ujeeddada shirarka noocan oo kale ah waa dhisidda awoodaha maamulka ee degmooyinka, si ay u noqdaan kuwo si madax-bannaan oo hufan u maamuli kara adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Aragti ahaan iyo khibrad ahaanba, horumarka dhabta ah wuxuu ka bilaabmaa halka uu qofku ku nool yahay, xaafadda, tuulada, ama degmada. Sidaa darteed, kor u qaadista kartida maamulka deegaanku waa tiir muhiim u ah koboca dhaqaale, adeeg-bixinta, iyo dhismaha kalsoonida shacabka. Sidoo kale shirkani waa madal gogol u fidanaysa is-dhexgal toos ah oo dhexmara wasaaradaha heer qaran iyo dawladaha hoose, si loo hubiyo in qorshayaasha horumarineed ee dalku ay salka ku hayaan xaqiiqda deegaanka.

Boorama: Meel Ku Habboon Horumarinta Dimoqraadiyadda Deegaanka

Xulashada Magaalada Boorama oo iyadu si rasmi ah u martigelisay shirkan, waxa ay leedahay astaamo badan oo muhiim ah. Waa magaalo leh taariikh dheer oo ku aaddan is-maamul iyo wada-tashi bulsho, taasoo ka dhigan inay tahay madal ku habboon in laga bilaabo hirgelinta maamul-daadejin dhab ah. Khibradda laga helo Boorama waxay dhiirrigelin u noqon kartaa degmooyinka kale ee dalka.

Maamul-Daadejintu Waa Mustaqbalka Somaliland:

Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xasan Axmed Ducaale, iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Mudane Cali Cige Maxamuud, ayaa si muuqata u muujiyay hoggaamin daacad ah, aragti fog, iyo dadaal joogto ah oo lagu xoojinayo horumarinta iyo tayaynta nidaamka maamulka degmooyinka iyo magaalooyinka dalka. Labadan masuul waxa ay horseed u yihiin isbeddel dhab ah oo lagu dhisayo hufnaanta dawlado-hoose oo leh karti maamul, isla xisaabtan, isla markaana awood u leh inuu si wax-ku-ool ah uga jawaabo baahiyaha bulshada deegaanka. Maamul-daadejintu waa hannaan dhiirrigelinaya nidaam ku dhisan wada-tashi, dimoqraadiyad, iyo in la xaqiijiyo in degmo kastaa ay hesho taageero farsamo iyo mid dhaqaale oo suurtagelin karta horumar waara.

Dib-u-habeyn iyo Tayeynta Dawladaha Hoose:

Digreetada uu Wasiirku ku magacaabay guddoomiyeyaal, ku-xigeenno iyo xoghayayaal fulineed, waxay u muuqataa mid si xeel-dheer loogu talagalay dib-u-habeyn ballaadhan oo lagu tayeynayo hoggaanka maamulka dawlada-hoose. Waxay xambaarsan tahay farriin cad oo qaran: in dowladda dhexe ay doonayso inay si dhab ah u samayso maamul daadejinta dawladnimda, adeegyada asaasiga ah ee bulshada iyo awoodda, tallaabadaas oo ay xukuumaddu uga danleedahay in la xoojiyo isla markaana la dhiirigeliyo kartida, hufnaanta, iyo kalsoonida hoggaanka dawladaha hoose ee dalka, si ay bulshada ugu fidiyaan adeegyo tayo leh oo ku dhisan caddaalad iyo sinnaan.

Sharciyadda Tallaabada:

Magacaabistani maaha arrin siyaasadeed, balse waa mid si buuxda ugu salaysan dastuurka iyo xeerarka dalka. Wasiirku waxa uu ku dhaqmay qodobbada 110 iyo 111 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sidoo kale Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka dalka (Xeer Lr. 23/2019). Tani waxay xaqiijinaysaa in tallaabadaasi leedahay saldhig sharci oo adag, taas oo sare u qaadaysa kalsoonida lagu qabi karo hannaanka magacaabista iyo maamulka la sameeyay.

Muhiimadda ay u Leedahay Horumarka Degmooyinka:

Horumarka magaalooyinka iyo degmooyinka wuxuu si toos ah ugu xidhan yahay tayada iyo hufnaanta maamulka dawladaha hoose. Guddoomiyayaasha, ku-xigeennada, iyo xoghayayaasha la magacaabay, ayaa ah masuuliyiin uu wasiirka dawladaha hoose ee Somaliland uu ku xushay aqoon, karti iyo daacadnimo, si ay bulshada ugu horseedaan adeegyo tayo leh, isla markaana si dhab ah loo xoojiyo, loona adkeeyo kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha qaranka.

Qodobka uu sida cad u xusay Wasiirku ee ah in la xulay shaqsiyaad leh aqoon iyo karti, waa tallaabo muujinaysa ballanqaad horumarineed iyo dadaal qaran oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo horumar dhab ah oo ka hirgala degmooyinka Somaliland. Waa hannaan ku salaysan hufnaan, kana fog dano gaar ah iyo eex siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, fursad weyn ayaa halkan ku jirta: haddii maamulka dawladaha hoose si dhab ah loo xoojiyo, waxa uu noqon karaa tiirka ugu muhiimsan ee horumarinta magaalooyinka, abuurista fursado shaqo, iyo kobcinta adeegyada dadweynaha.

Gunaanad:

Magacaabista cusub ee masuuliyiinta degmooyinka waa tallaabo muhiim ah oo dib-u-habeyn ku samaynaysa qaab-dhismeedka hoggaanka dawlaha hoose. Iyada oo si weyn looga filayo tallaabadan uu qaaday waskiirku in ay horseedo horumar iyo isbeddel siyaasadeed, dhaqaale, isla markaana si toos ah u xoojiso nidaamka dawladnimda ee hufnaanta maamulka, isla xisaabtanka, iyo la-tashiga bulshada.

Guddoomiyayaasha cusub waa in ay noqdaan codka shacabka, kana shaqeeyaan danaha guud, isla markaana ay diirrada saaraan sidii loo kobcin lahaa horumarka magaalooyinka, loona cidhibtiri lahaa qabyaaladda, sidoo kalena loo dhisi lahaa magaalooyin casri ah oo ay qaranimada Somaliland ku faanto.