Safarka Trump ee Ingiriiska iyo xogta Diyaaradda iyo Baabuurta uu ku Safro

0
146

Donald Trump ayaa booqashadiisii labaad oo rasmi ah ay uga bilaabantay waddanka UK. Booqashadan oo ay xaaskiisu ku weheliso waxa la socda shaqaale badan iyo qalab culus oo qayb ka ah howlgal amni oo ballaadhan.

Tallaabooyinka lagu sugayo ammaanka madaxweynaha inta uu joogo UK waxay ku kacayaan malaayiin gini, waxaana u xil saaran ilaaladiisa gaarka ah iyo kumannaan askari oo booliis ah oo maxalli ah. Booqashadiisii ugu horraysay ee rasmi ahayd bishii Juun 2019 waxaa la hawlgeliyay in ka badan 6,000 oo askari oo ka tirsan Metropolitan Police, iyadoo qiimaha ay ku kacday lagu qiyaasay £3.4 milyan.

Ammaanka madaxweynaha ayaa si weyn loo adkeeyay maalmahii la soo dhaafay kadib dilkii lagu khaarajiyay Charlie Kirk, oo ahaa u ololeeye dhinaca midigta ah oo lagu dilay gudaha jaamacad ku taalla gobolka Utah.

Ronald Kessler oo ah qoraa khabiir ku ah arrimaha Ciidammada Gaarka ah ayaa sheegay in diyaarinta booqashadan rasmiga ah ay bilaabanto “toddobaadyo badan” ka hor inta aanu madaxweynuhu iman, iyada oo la sameeyo wadahadallo lala yeelanayo booliiska maxalliga ah iyo sidoo kale kormeer lagu sameeyo khataraha suurtagalka ah.

Qiyaastii 60 wakiil oo ka tirsan ciidanka la yidhaahdo Secret Service-ka ayaa sida caadiga ah loo xilsaaraa in ay si toos ah u ilaaliyaan madaxweynaha, iyaga oo la kaashanaya booliis maxalli ah oo sameeya xayndaabyo soo sugaya waddooyinka iyo xitaa hawada.

Air Force One, dhab ahaantii maaha diyaarad gaar ah, balse waxaa loola jeedaa mid ka mid ah labada diyaaradood ee Boeing 747-200B ah oo si gaar ah loogu habeeyey, kuwaasi oo ku duula lanbarrada xagga dambe kaga dhegsan oo ah 28000 iyo 29000.

Inkasta oo marka bannaanka laga eegayo ay u eeg tahay diyaarad ganacsi ama mid rakaabka qaadda, Air Force One waxaa loo tixgeliyaa in ay tahay diyaarad millitari sababtoo ah waxa ku rakiban qalabka korontada oo horumarsan iyo nidaamyada difaaca.

Diyaaraddan waxaa loo naqshadeeyay in ay iska caabbido weerar cirka ah iyadoo carqaladeynaysa raadaarka cadowga sidoo kalana awood u leh in ay shiddo iftiin iyo qaac kulul oo jihada ka luminaya gantaallada. Sidoo kale, waxay awood u leedahay in ay shidaal qaadato iyada oo maraysa hawada sare, taasoo u oggolaanaysa in ay si aan xad lahayn u duusho.

Gudaha diyaaraddu waa mid baaxad weyn. Madaxweynaha iyo dadka la socdaa waxay ku raaxaystaan 4,000 fiit laba jibaaran oo ku fidsan. Waa saddex dabaq uu ku jiro qol ballaadhan oo loogu talagalay madaxweynaha, xarun caafimaad oo leh qalliin iyo meelo gaar ah oo loogu talagalay saxaafadda, martida heerkeedu sarreeyo, ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha xafiiska.

Marka ay diyaaraddu soo cago dhigato, madaxweynuhu waxa uu ku safraa gawaadhi aad u adag oo xitaa gawaadhidu ay ku dul socdaan.

Gawaadhidaas waxa ku jira kuwo ay wataan ilaalada gaarka ah iyo qaar kale oo lagu galbiyo marka uu dhulka ku safrayo.

Inkasta oo madaxweynuhu uu ku safro hal nooc oo ka mid ah gawaadhida xajmigoodu adag yahay, haddana waxa jira noocyo kale oo aad mooddo in khiyaano ahaan loo wato oo ku diwaangashan diiwaangelinta lanbarka Washington DC – 800-002.

Gaadhigu wuxuu leeyahay qaro adag oo bir ah oo aanay rasaastu karin iyo daaqado aan xabbaddu ka gudbi karin, taasoo ka dhigaysa miisaankiisa mid aad u culus – qiyaastii sagaal tan (20,000lb).

Wararka kale ee la helay waxay sheegayaan in uu sidoo kale leeyahay qalab tuura sunta indhaha ilmada ka keenta, kamarado habeen arag ah, iyo taleefan satellite-ka ku xidhan ah oo gudaha gaadhigaasi ku rakiban.