Shirkada Naffco oo Wersheda Royal Foam ka Hirgelinaysa Dabdamis Caalami ah iyo Ballan Qaadka Dahabshiil Bank

0
138

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Borama(Dawan):- Maareeyaha guud ee shirkadda Royal Foam Cabdiqaadir Muumin Jaamac,oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, ayaa sheegay in shirkadda buushka iyo Furaashyada ee ROYAL FOAM iyo shirkadda Naffco ee dalka Imaaraadka Carabta oo ka shaqaysa dab-damiska isla markaana dalka meelo badan ka hir gelisay dab-damisyo rasmi ah, in ay wada galeen heshiis dhammaystiran oo wershada Royal loogu samaynayo dab-damis calami ah oo ka wada hawl gelaya dhammaan qaybaha kala duwan ee Wershada,waxaanu intaa raaciyay in qorshaha hirgelinta dab-damiska wershada oo socda in qaddar ALLE dhacay oo qaybo ka mid ah wershadu ay gubatay balse hadda la dhammaystirayo hirgelinta dab-damiska wershada oo kaydkiisii biyuhuna u samaysan yahay oo markii wershadu gubatay ba kaydkaas biyaha lagu samato bixiyay.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in Madax sare oo ka tirsan Baanka Dahabshiil inay booqdeen wershada oo ay soo indha indheeyeen qasaaraha dabku gaadhsiiyay wershada.

Maareeye Cabdiqaadir waxaa kale oo uu intaa ku daray in Dahabshiil Bank uu bilaabay caymiska wershadaha oo shirkadda Royal na loo soo bandhigay isla markaana ay ku qanceen oo ay gelayaan caymiska Dahabshiil Bank.

Waxaa kale oo uu ka hadlay madax sare oo ka socday wasaaradda Ganacsiga oo shalay iyaguna booqday wershadda.

Maareeye Cabdiqaadir oo ugu horrayn ka hadlayay shirkadda Imaaraadka ah ee dab-damiska wershada ay qandaraaska ku siiyeen, ayaa yidhi. “Bishii todobaad ee sannadkan ayaan shirkadda Naffco oo dab-damiska ka shaqaysa aaanu siinay qandaraas ay wrshadda oo dhan ku xidhaysay dab-damis otomatic ah oo aan loo baahanayn in dab=damis yimaaddo iyo in gurmad la galo oo si emergency ah u hawl gelaya marka uu dareemo qiiq ama kaaraboon dab oo dhammaan qaybaha wershadana ku wada xidhan.

Markaa haantii waynayd ee biyaha ayay nagu yidhaahdeen Sameeya oo aanu samaynay tijaabadiina way ka baxday oo imika waa diyaar, shirkaduna markaa waxay ku maqnayd oo ay keenaysay qalabkii kale ee dabka daminayay sida qalabki dabka urinayay, qalabkii qaylinayay, dhuumihii, bamamkii kuwii biyaha furayay iyo dhamaan qalabkii dab-daminta ayay keenayeen oo si otomatic ah isu shidaya marka khatartaa dabka ay dareemaan.

Imikana waanu hirgalinaynaa oo xataa waxaan u samaynaynaa laydh ka gaar ah ka wershada oo ka baxsan si khatar kasta uu uga hor tago oo uu diyaar u haado, shirkadda NAFFCO ee aan qandaraaska siinayna waa shirkad ka shaqaysa meelo badan oo dalka ka mid ahna ku u samaysay dab-daminta sida haamaha shidaalka ee Dahabshiil, dekedda Berbera iyo Madaarka caalamiga ah ee Hargeysa, waana shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta.

Marka shirkaddu ama wershaddu ay leedahay dab-damis caynkaas ah marka koobaad khatarihii ayay ka badnaadaysaa marka labaadna waxay helaysaa caymis ama waxay wada shaqayn karayaan shirkadaha caymiska ah ee caalamiga ah, oo haddii aanad dab-damis lahayn cidna xidhiidh lama yeelan kartid oo waxaad tahay qof halis wershad ku dul sameeyay.”

Maareeye Cabdiqaadir oo ka hadlayay madax sare oo ka socday baanka Dahabshiil oo wershada booqday iyo cayniska wershadaha oo Dahabshiil baan uu hirgelinayo oo loosoo bandhigay ka shirkad Royal ahaan isla markaana ay ku qanceen waxaa uu yidhi. “ waxaa na soo booqday oo noo tacsi noogu yimi madax sare oo ka socday Dahabshiil bank soona indha indheeyay qasaaraha hantiyeed ee wershada gaadhay,way nala qiimeeyeen waxayna yidhaahdeen wixii maalgelin ah ee loo baahan yahay diyaar ayaan u nahay ayay yidhaahdeen.

Markaa Dahabshiil aya waxay sameeyeen hadda caymiska wershadaha waxaana la furayaa sannadka cusub, markii hore dalka kama jirin caymiska wershaduhu markaa Dahabshiil Bank, ayaa hadda hirgelinaya oo bisha koobaad ee sannadka cusub, ayaa la daah furayaa waanan ku qanacnay waan galaynaa. Shirkadda Dahabshiil na waa shirkadda ugu wayn dalka ee dadkeeda la dareenka ah isla markaana dhibaatada la qaybsata.”

Maareeyaha oo ka hadlayay masuuliyiin ka socday wasaaradda Ganacsiga oo booqday wershadda, ayaa yidhi. “Waxaa kale oo booqasho noogu yimi madax sare oo ka socday wasaaradda ganacsiga oo heer gobol iyo heer wasaaradeed ba ahaa soona arkay qasaaraha wershada gaadhay.”

Ugu dambayn Maareeyaha guud ee shirkadda ROYAL FOAM,waxaa uu u mahad naqay ciidabka dab-damiska Somaliland iyo ciidanka dab-damiska dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan ka degmada Aw Barre oo ka wada qayb qaatay daminta dabkii ka kacay wershada iyo cidkasta oo gacan ka geysatay daminta dabkaas

Waxaanu yidhi “waxaan u mahad naqayna ciidanka dab damiska Somaliland oo ah laf dhabarka la dagaalanka masiibooyinka dabka iyo Dab damiska Dawlad deeganka Somaalida Ethiopia dagmada Awbarre oo ka qayb qaatay daminta dabka iyo maamuka gobolka iyo ka degmada iyo guud ahaan cid kasta oo gacan ka gaysatay gurmadka daminta wershada.”