Madaxweynihii Mareykanka, Donald Trump, ayaa aflagaadeeyay wariye Su’aal waydiiyay oo u dhashay dalka Australia.
Waxaanu sheegay Madaxweynaha dalka Maraykanku in uu dhawaan la kulmi doono Raysalwsaaraha Australia isla markaana uu u sheegi doono in wariyaha su’aasha waydiiyay in uu yahay tusaale xun.
Wariye John Lyons oo ka tirsan hay’adda warbaahinta Australian Broadcasting Corporation (ABC) ayaa weydiiyay. Trump in uu ka waramo heerka dhaqaalihiisa ganacsi uu marayo mudada uu Madaxweynaha yahay iyo haddii hantidiisu kor u kacday tan iyo bishii Jenawari xilligaas oo mar kale uu ku soo noqday Aqalka Cad.?
Trump ayaa ku jawaabay: “Ma garanayo,” isagoo sheegay in carruurtiisu ay maamulaan ganacsiyada qoyskiisa. Wuxuu intaas ku daray: “Anigu waxaan qabaa inaad aad u dhaawacayso Australia hadda, dadka Australia-na waxay doonayaan inay ila jaanqaadaan.”
Trump wuxuu sheegay inuu dhowaan la kulmi doono Raysal-wasaaraha Australia, Anthony Albanese, isagoo intaa ku daray: “Waxaan u sheegi doonaa adigu. Tusaale xun inaad tahay.”






















