Cilmi-baadhis: Xukuumadda oo U-istaagtay Dib-u-kabashada Ganacsiga Dhalinyarada JSL

0
92

Qore Khadar M. Dhako

Ceel-Afweyn (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa fulisay hawlgal istiraatiji ah oo lagu xoojinayo hal-abuurka ganacsi ee dhalinyarada. Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si rasmi ah u daahfuray mashruuc xog-ururineed oo muhiim ah, kaas oo laga hirgelinayo gobollada bariga Somaliland, gaar ahaan Togdheer, Sool, iyo Sanaag.

Mashruucan ayaa lagu qiimeynayaa heerka ganacsiyada ay dhalinyaradu hoggaamiyaan, iyadoo si qoto dheer diiradda loo saarayo xogaha ku saabsan ganacsiyada guuleystay iyo kuwa guul-darraystay. Ujeeddadu waa in la fahmo caqabadaha iyo fursadaha jira ee dhalinyarada ganacsatada ah, si loo horumariyo taageerada loo fidiyo dhalinyarada hal-abuurka leh.

Mashruucani waxa uu qeyb ka yahay dadaallada Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland ee lagu kobcinayo xirfadaha ganacsi iyo maalgashiga dhalinyarada, si loo dhiirrigeliyo koboca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland, (Somaliland Youth Development Fund) Mudane Cabdiqaadir Ismaaciil Jaylaan, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in sanduqu uu si gaar ah u maalgelin doono dhalinyarada ganacsatada ah ee ku dhaqan degmada Ceel-Afwayn. Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo ka-qaybgalka dhalinyarada ee horumarka dalka.

Maalgelintan ayaa diiradda lagu saari doonaa dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsi ee dhalinyarada, iyo kobcinta xirfadaha ay u baahan yihiin si ay kaalin mug leh uga qaataan kobcaha dhaqaalaha deegaanka, isla markaana ay arrintani ka hortag u noqoto tahriibta iyo shaqo la’aanta baahsan ee saameysa dhalinyarada.

“Waxaanu Maal-galin doonaa Dhalinyarada Degmada Ceel-Afwayn. Waxaanu xooga saari doonaa sidii dhalinyarada degmadu ay fursad dhab ah ugu heli lahaayeen maalgelin, tababarro xirfadeed, iyo mashaariic horumarineed oo waxtar leh,” ayuu yidhi Agaasimaha oo socdaalkan hawleed ku marayay gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Ceel-Afwayn, halkaas oo uu kula kulmay dhalinyarada deegaanka, maamulka degmada, iyo qeybaha bulshada rayidka ah. Tallaabadan ayaa ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah, isla markaana mashruuc sidan u ballaadhan laga hirgeliyo Ceel-Afwayn, kaas oo ah mashruuc si toos ah u taabanaya nolosha iyo dhaqaalaha.

Maalgelin Tusaale u ah Dhiirrigelinta Dhalinyarada Ceel-Afwayn

Ballanqaadka Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland, (Mudane Cabdiqaadir Ismaaciil Jaylaan, uu u sameeyay degmada Ceel-Afwayn, waa tallaabo dhiirrigelin leh oo muujinaysa in dhalinyarada loo abuurayo fursado horumarineed. Sidoo kale, Ballanqaadkan ayaa u muuqda mid fure u noqon kara furfurnaanta maalgelinta dhalinyarada iyo abuurista fursado cusub oo ganacsi, kaas oo dhalinyarada Ceel-Afweyn u horseedi kara isbeddel dhab ah.

Tani maaha oo keliya ballanqaad, balse waa farriin cad oo ah in dhalinyarada degmooyinka yar yar ku dhaqan ay mudan yihiin in la siiyo fursad la mid ah dhiggooda magaalooyinka waaweyn. Waxa kale oo ay muujinaysaa in sanduqu uu si dhab ah u doonayo in uu kobciyo ganacsiga hoose, shaqo-abuurka, iyo kalsoonida jiilka cusub ee deegaankaas

Ceerigaabo: Dood Ku Saabsan Fursadaha Ganacsi iyo Caqabadaha Dhalinyarada.

Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland ayaa si guul leh Magaalada Ceerigaabo, uga qabtay dood iyo falanqayn ballaadhan oo lagu lafo-guray fursadaha ganacsi iyo caqabadaha hortaagan dhalinyarada deegaanka.