Daalibaan oo Jaamacadaha ka Mamnucaday Buugaagta ay Haweenku Qoreen

0
156

 

Dawladda dalka Afgaanistaan ee Daaliban  ayaa mamnuucday buugaag ay qoreen haween, waxaana laga saaray jaamacadaha, iyadoo amar cusub lagu soo rogay. Amarka cusub, waxaa sidoo kale lagu mamnuucay barashada maadooyinka sida xuquuqda aadanaha iyo tacaddiyada jinsiga ah.

Daaliban waxay mamnuuceen 680 buug, oo ay ku jiraan ku dhawaad 140 buug oo ay qoreen haween, oo ay ka mid tahay buugga “Badbaadada Shaybaadhka Kiimikada.” Daaliban waxay sheegeen in buugaagtaasi ay ka hor imaanayaan siyaasaddooda iyo shareecada Islaamka.

Jaamacadaha waxaa sidoo kale la faray in aanay wax ka dhigi karin 18 maaddo, kuwaas oo saraakiisha Daaliban ay sheegeen in aanay waafaqsanayn mabaadi’da shareecada iyo siyaasadda nidaamka. Amarkan waa tallaabo kale oo qayb ka ah xayiraado taxane ah oo Daaliban ay kusoo rogeen dalka afartii sano ee la soo dhaafay.

Toddobaadkan, internet-ka fiber optic-ga ayaa laga mamnuucay ugu yaraan 10 gobol, iyadoo uu amray hoggaamiyaha ugu sarreeya Daaliban, waxaana saraakiishu sheegeen in ujeeddadu tahay in laga hortago akhlaaq