Dawan Staff
Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la bilaabayo casriyaynta magaalada Hargeysa iyadoo la hirgelinayo Qorshaha Horumarinta Magaalada (Master Plan). Ku dhawaaqistan iyo bilawga qorshaha casriyaynta magaalada Hargeysa, waa talaabo muhiim ah oo muujinaysa biseylka iyo aragtida fog ee hoggaanka dalka ee ku aaddan horumarinta magaalooyinka.
Kulankii ay yeesheen Guddiga Naqshadaynta Qaranka, oo uu guddoominaayey Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Xuseen Axmed Caydiid oo ah guddoomiyaha guddida, waxa si cad loogu go’aamiyey in wasaaraddu ay noqoto hay’adda hoggaaminaysa hirgelinta qorshahan. Tani waxay muujinaysaa mas’uuliyad qaadasho dhab ah iyo in la doonayo in wax laga beddelo sida loo maareeyo koboca magaalooyinka, gaar ahaan caasimadda.
Hargeysa waa xarunta siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho ee Somaliland, waxayna si degdeg ah ugu fidaysaa koboc dhaqaale iyo bulsho. Arrintani waxay bay’ada iyo nolosha dadka ku dhaqan caasimadda, adeegyada bulshada, iyo isku xidhnaanta kaabeyaasha dhaqaalaha. Sidaa darteed, hirgelinta Master Plan-ku waxay noqon doontaa dariiqa keliya ee lagu gaadhi karo magaalo nadiif ah, casri ah, habaysan, oo horumarsan.
Sidoo kale, qorshaha lagu ballaadhinayo qorshe magaaleedyo cusub oo loo sameynayo magaalooyinka Oodweyne, Xaaji Saalax, Faraweyne, Caynaba, Abaarso iyo Lughaya waa tillaabo kale oo dhiirrigelin mudan. Magaalooyinkan, inkasta oo qaarkood ay yihiin magaalooyin si tartiib ah u koraya, haddana waxay u baahan yihiin hannaanka saxda ah ee horumarka, si looga fogaado qaladaadkii laga bartay magaalooyinka waaweyn ee horay u kobcay iyada oo aan la helin qorshe fac weyn.
Talladaasi waxay muujinaysaa isbeddel muuqda oo ah in horumarka aan laga eegin kaliya dhismooyinka la dhisayo, balse la eego nolosha dadka, deegaanka, kaabeyaasha, iyo isdhexgalka mustaqbalka. Waa in qorshahani noqdaa mid daahfuran, laguna saleeyo talooyinka khubarada maxaliga ah iyo sidoo kale ka qaybgalka bulshooyinka ay saamaynayso.
Ugu dambeyntii, Somaliland waxay fursad weyn u haysataa inay noqoto tusaale dhanka qorsheynta magaalooyinka ah, iyadoo si cad u muujinaysa sida isbeddel dhab ah loo horseedo iyadoo aan la sugin aqoonsi caalami ah, balse la adeegsado kartida gudaha iyo aragtida fog.






















