Maalin ayuu Ey soo galay madxaf ka samaysan muraayado. Waxa uu ahaa madxaf gaar ah, oo dhamaan gidaarada, saqafka, albaabada iyo xitaa sagxadaha ay dhamaantood ka samaysan yihiin muraayado.
Isla markuu arkay hadhkiisa ay murayaadaha muujiyeen, Eyga waxa ku dhacay naxdin isagoo u qaatay in Ey badani ay weerar ku tahay oo ay isku xeereen.
Eygu waxa uu bilaabay inuu ciyo, laakiin Eydii kale ee hadhkiisa ahaydna way u jawaabeen. Mar kale ayuu ciyey oo waxa uu bilaabay in uu hore iyo dib u boodo, isaga oo isku dayaya in uu ka nixiyo Eyda kale ee ku hareeraysan, Hadhkiisa ayaa isaguna hore iyo dib u booday iyaga oo ku dayanaya. Sidaa daraaddeed eygii miskiinka ahaa wuxuu isku dayay dhowr jeer inuu eyda ka nixiyo, laakiin waxba umay suurtagelin.
Sidaas ayuu ku daalay oo niyad jabay, oo iska fadhiistay isagoo murugo iyo niyad jab ku dhacay, taas oo ka dhalatay khaladka uu hadhkiisa ka fahmay.
Subixii xigay, markii ilaaliyihii ( Washmaanka) madxafku waxa uu helay eygii murugaysnaa oo dhintay, oo ay ku hareeraysan yihiin boqollaal Ey oo hadhkiisa oo Iyana dhintay.
Ma jirto cid dishay Eygan miskiinka, waxa uu dhintay ka dib markii uu isagu la dagaalamay hadhkiisa oo fikirkiisa khaldan ka dhashay.
Ma jirin cid wax u geystay Eyga madxafka ku jiray, waxa uu is dilay isaga oo la dagaallamaya fikirkiisa!
Xikmadda sheekada:
Dunidu wanaag iyo xumaan iskeed kuu keeni mayso. Wax kasta oo hareerahaaga ka dhacaa waxay ka tarjumayaan fikirradeena, dareenkeena, rabitaankeena, iyo ficiladeena. Dunidu waa muraayad weyn oo keliya, ee si fiican isu hor istaag oo dagaal humaag haku dhiman!

























