Guddoomiyaha Guddida Nabada JSL oo ku Baaqay Xoojinta Nabadda Somaliland iyo Deris-wanaaga

0
108

wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Guddida Nabadda Somaliland ayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland u diray dhambaal hambalyo ah, maadaama 21-ka September oo shalay ku beegnayd ay ahayd maalinta caalamiga ah ee nabadda, oo si weyn dunida oo dhan looga xuso.

Gudoomiyaha guddiga nabada Somaliland Cabdiqaadir Jire oo ka hadlay nuxurka dhambaalka hambalyada ah ee ku aadan maalinta nabada aduunka ayaa sheegay inay guud ahaan shacabka Somaliland oo dhan ay ku hambalyeynayaan maalinta loo asteeyey nabada dunida oo ay Somaliland ka mid tahay.

Cabdiqaadir jirde ayaa tilmaamay sida ay laga maar maanka u tahay in dal waliba nabada gudiiisa ka dhiso isla markaana dariskiisa kula macaamilo nabad, waxa kale oo uu intaasi ku daray “Somaliland waxay uu gaadhay in arimaheeda Nabad ku xaliso, haday kuwa doorashada tahay, kuwa siyaasiga, kuwa ka dhasha iskuqabsiga biyaha iyo wixii daaqsinka ah ee umada kawada dhaxeeya”.

Gudoomiyaha gudiga nabada Somaliland ayaa hoosta ka xariiqay sida Somaliland u tahay dal dhinaca nabada horumar ka gaadhay, waxanu sheegay in dadka reer Somaliland dhexdooda ay nabad kuwada noolaanshiyuhu uu noqday mid muhiimad wayn ugu fadhiya taasi oo ay si wada jir ah u ilaashadaan shacab keedu.

Geesta kale guddoomiye Cabdiqaadir Jirde ayaa ka hadlay gogoshii nabadeed ee uu Madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro uu dhawaan dhigay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxanu sheegay in hawlaha ugu horeeya ee haatan guddida horyaal ee ay ku baxayaan ay tahay nabada gobolka sanaag.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray gudoomiye Cabdiqaadir inay sidii dhaqanku ahaan jiray arintaa nabada sanaag ay ku waajihi doonaan wadatashi, is afgarad, is qancin iyo is qadarin taasi oo ay dawlada Somaliland ka tahay hormood isla markaana cidda gobosha nabadeed halkaasi dhigtay uu ahaa madaxwaynaha Somaliland.

“Somaliland waxay mandaqada ku soo kordhisay in colaadihii ka jirijiray ay iyada dhankeeda ka dhamaadeen oo dawladaha dariska ah mid walba nabad kula noolahay, hawlo badan ayaa noo yaal oo ay ugu horayso nabada gobolka Sanaag oo aanu doonayno inaan ku waajahno sidii dhaqanku ahaan jiray aanu ku waajihi doono wadatashi, is afgarad, is qancin iyo is qadarin iyadoo dawladu hormood ka tahay waxanu ku soo dhamayn doonaa nabad sidii dhaqan ku haa”ayuu hadalkiisa sii raaciyey gudoomiye Cabdiqaadri jire.

Gabogabadii, dhambaalka hambalyada ee Guddida Nabadda Somaliland ayaa muujinaya sida nabaddu u tahay tiirka ugu weyn ee horumarka iyo wada noolaanshaha bulshada. Guddoomiyaha guddida, Cabdiqaadir Jirde, waxa uu adkeeyey muhiimada nabadda gudaha iyo deris-wanaaga, isagoo tilmaamay in Somaliland ku guulaysatay xalinta arrimaheeda si nabad ah, isla markaana sii waddo dadaallo lagu xaqiijinayo nabadda gobolka Sanaag.