Gyokeres oo Farriin Culus u Diray Kuwa Dhaleeceeya Waxqabadkiisa

0
129

Weeraryahanka Arsenal Viktor Gyokeres ayaa ka hadlay sida uu ula tacaalo dhaleeceynta, isagoo sheegay in diiradda la saaro waxqabadka shaqsiga ah ay tahay furaha lagu guuleysto marka la joogo naadi sida Arsenal oo kale oo si weyn loo daawado.

“Waa inaad samaysato wax kuu gaar ah, oo aad la qabsato meesha aad ku ciyaareyso. Waa inaad naftaada aaminto oo aad socotaa, wixii dhacaaya ha dhaceene   ha ahaato gudaha garoonka ama bannaanka,” ayuu yidhi Gyokeres.

Weeraryahanka reer Sweden ayaa qirtay in cadaadiska Premier League uu aad uga weyn yahay kan uu kala kulmay horyaalada kale:

“Markii aan joogay Portugal sidoo kale waxaa jiray xiiso badan, balse halkan England waa mid aad u weyn. Wax walba ayaa la falanqeeyaa, laakiin taas wax dhiba ah kuma jiraan.”

Gyokeres ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la fiiriyo waxyaabaha la xakameyn karo:

“Ma aha mudnaantayda koowaad inaan akhriyo wax walba oo dadka qoraan. Waxaan ka fikirayaa waxyaabaha aan anigu xakameyn karo – tababar joogto ah, ciyaarista kulamada iyo diyaarinta jirka kulanka xiga. Dabcan mararka qaarna waa inaad maskax ahaan u nasataa.”

Gyokeres ayaa ilaa haatan saddex gool u dhaliyay Arsenal, isagoo ku jira bilow adag oo xilli ciyaareedkiisa Premier League ah.