Xukuumada oo Xoojinaysa Wax-Soo-saarka iyo Laf-Dhabarta Dhaqaalaha

0
145

 

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargaysa (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaaday tallaabo istiraatiiji ah oo ay ku xoojinayso dhaqaalaha xoolaha iyo beeraha, iyadoo magaalada Hargeysa lagu qabtay shirweynihii saddex-biloodle ee Wadaagayaasha Wax-soo-saarka (Production Sector Coordination Meeting). Shirkan oo ahaa kii saddexaad ee sanadkan, waxaa si rasmi ah u soo agaasimay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, iyadoo ay garab siinayeen Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Machadka Cilmi-baadhista Beeraha (NARI).

Shirka waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Mudane Cumar Shucayb Maxamed iyo Wasiirka Horumarinta Beeraha Mudane Maxamuud Cige Yuusuf, waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha dowladda, UN-ka, ururrada maxalliga iyo kuwa caalamiga ah ee aan dawliga ahayn (NGOs), iyo ganacsatada waaweyn ee qaybta wax-soo-saarka.

Isu-imaatinka heerka sare ee noocan ah wuxuu muujinayaa kor u kaca dareenka qaran ee ah in wax-soo-saarka xoolaha, beeraha, iyo kalluumaysigu yihiin tiirarka istiraatiijiga ah ee ku dhisan isku-filnaansho, ammaan cunto, iyo adkeysi dhaqaale oo waara.

Ujeedada ugu weyn ee shirka ayaa ahayd in la dardar-geliyo horumarka wax-soo-saarka dalka, iyadoo xoogga saarayo: Wadaagista xogaha iyo warbixinnada mashruucyada socda; Xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha iyo daneeyayaasha; Aqoonsiga meelaha mudnaanta gaarka ah leh ee u baahan faragelin degdeg ah; Dhisidda hannaan hoggaamineed oo hufan, isla xisaabtan leh, kana jawaaba baahiyaha dhabta ah; Bandhigista fursadaha iyo caqabadaha ka jira dhulka wax-soo-saarka iyo Ku-dhaqanka qorshe mideysan oo miro-dhal ah.

Maxaa Arrintan Muhiim Ka Dhigaya?

Somaliland oo dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay xoolaha iyo beeraha, waxa ay xukuumaddu gudatay waajibaadka dhabta ah eek a saaran in la maalgeliyo labadaas qaybood. In ka badan 60% shacabka Somaliland waxa ay si toos ah ugu tiirsan yihiin xoolaha iyo beeraha. Hase yeeshee, abaaraha is-daba-joogga ah, isbeddelka cimilada, siyaasado aan isku xidhnayn, iyo maalgelin xaddidan ayaa weli halis ku haya lafa-dhabarta dhaqaalaha dalka.

Shirkan waxa uu caddeeyay in Somaliland diyaar u tahay inay si geesinimo leh uga hortagto caqabadahaas, maaha hadal kaliya, balse siyaasad iyo ficil isku dhafan. In layska war-qabo, laysla xisaabtamo, lana is-kaashado ayaa noqotay dariiqa keliya ee lagu gaadhi karo horumar waara.

Waxa muhiim ah in kulanlkani uu xoogga saaray milgaha hoggaaminta dowladda. Diyaarinta qorshayaasha horumarineed ee qaranka gaar ahaan dhinaca wax-soo-saarka xoolaha, beeraha iyo kalluumaysiga. Tani waa isbeddel muuqda oo kor u qaadaya milgaha dowladda iyo hirgalinta mashaariic si dhab ah uga jawaaba baahiyaha bulshada.