Kala Doorashada Xisbiyo Isku Mid Ah!

0
88

Sanadkii 1960kii,  oo dhacaysay doorashadii Madaxweynimada Maraykanka  ee ay ku tartamayeen labada musharax ee  Nixon iyo Kennedy  ayaa la weydiiyay madaxwyenihii hore ee dalka Kuba Fidal Kastro oo cadawaad weyni ka dhaxaysay Maraykanka, Nixon iyo Kanneday ka uu jecel yahay inuu doorashada ku guulaysto.

Kastro ayaa si cajiib ah u jawaabay waxaana uu yidhi : “ Suurtagal maaha inaad is barbar dhigto laba garab oo qof keliya kuwada yaal, America waxa xukuma xisbi keliya oo sahyuuniyad ah ( Soinist Party), waxaana uu leeyahay laba baal, garabka Jamhuurigu waxa uu taagan yahay   “ Awoodda Sahyuuniyadda ee xoogga badan”, halka DImoqraadigu u taagan yahay “Awoodda Sahnyuuniyadda ee debecsan” .

Ma jirto farqi iyo kala duwaanansho u dhexeeya yoolalka iyo xeeladaha barnaamjika iyo habka ay fulinayaan.  Laakiin wax aad u yar ayay ku kala duwan yihiin, taasoo ah in madaxweyne kasta uu leyahay dareen gaar ah iyo hab uu wax ku maareeyo.