Paul Scholes: ‘Rashford Si Dhab Ah Ayuu Manchester United U Khiyaamay’

0
133

sida kulankii Newcastle. Goolkiisii labaad wuxuu ahaa mid heer sare ah. Laakiin aniga shaqsi ahaan way igu adag tahay inaan dhab ahaan ula dabaaldego isaga, sababtoo ah dabeecaddiisa.

 

Markii uu Manchester United ka tagayay, aniga waxaan u arkayay dhaqankiisa mid ceeb ah. Haddii ay tababaraha is,-khilaafeen — waa wax dhici kara, balse waxaa wacneyd inuu qiimeeyo 80,000 ee taageere ee garoonka usoo daawasho tago. Intee jeer ayaan arkay isaga oo u soconaya sidii qof aan xiisaynayn kooxda… Waxaan u arkayay inuu dhab ahaan khiyaamay Manchester United. Haddii aad hal mar khiyaanto — waad ku celin doontaa.

 

Xitaa Barcelona ayaan ku arkay calaamado la mid ah — mararka qaar wuu diidaa inuu dib u soo ordo ama uu kooxda u shaqeeyo. Taasi Barcelona muddo dheer kama qarsoomi doonto.”

 

Marcus Rashford ayaa laba gool u dhaliyay Barcelona kulankii furitaanka wareegga kooxaha ee Champions League oo ay Newcastle (2-1)kaga adkaadeen. Xagaagan ayuu amaah hal xilli-ciyaareed ah ugu biiray Barcelona isagoo ka yimid Manchester United, heshiiskaas ayaana wata ikhtiyaar iibsi. Rashford ayaa labo gool iyo labo caawin sameeyay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee uu u ciyaaray kooxda Catalonia.