Sidee ayuu Messi uga Falceliyay Guushii Dembélé Ee Ballon d’Or ?

0
126

Kabtanka Argentina, Lionel Messi, ayaa ka hadlay guusha Ousmane Dembélé ee Ballon d’Or 2025, kaasoo ku garaacay garabka Barcelona, Lamine Yamal.

Messi ayaa sheegay inuu “aad ugu faraxsan yahay” xiddiga Faransiiska, wuxuuna ku bogaadiyay guushiisa. Labada ciyaaryahan ayaa hore ugu soo wada ciyaaray Barcelona.

 

Dembélé ayaa habeenkii Isniinta lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay Ballon d’Or 2025, xafladdii ka dhacday Théâtre du Châtelet ee magaalada Paris. Wuxuu ka sare maray Yamal oo galay kaalinta labaad iyo Vitinha oo ku dhammeystay kaalinta saddexaad.

 

Kadib guushiisa, Dembélé ayaa bartiisa Instagram ku soo qoray:

 

“Farxad badan, sharaf iyo shucuur. Riyo rumoowday. Waad mahadsan tihiin dhammaan kuwii igu garab istaagay safarkan. #ballondor”

 

Messi, oo ka jawaabayay qoraalkaas, ayaa yidhi:

 

“Ousmane weyne!!! Hambalyo, aad ayaan ugu faraxsanahay guushaada. Waad u qalantaa.”