Qormada Arrimaha Bulshada Todobaadkan waxa aynu kaga hadli doona laba qaybood oo xiiso badan oo kala ah qiimaha muwaadinimada iyo halista baraha bulshadu ku kulanto ee internetka, haddaba aan ku bilaabo ee Muwaadinimadu waa shayga ugu qaalisan ee lagu garto ruuxa uu Alle garansiiyay kaas oo leh dhamaan ba astaamaha laguyaqaan qofka muwaadinka ah ee Dalkiisa jecel, balse waxaad moodaa inay arrintaasi aad ugu yartahay dadkeena.
Dhawaan waxaanu u kuur galay sidii aan u ogaan lahaa waxa ay dhaliinyaradeenu ka aaminsan yihiin muwaadin iyo masuuliyadaha looga bahan yahay dadkii aan la kulmay oo u badnaa dhaliinyaro Ayaan waydiiyay maxaa looga baahan yahay Qofka u dhashay dalkan ee reer Somaliland ah?
Waxaannu igu jawaabay Sakariya Cawl Ka Mida Ardayda reer Somaliland ee Wax ku soo
bartay Dalka Malaysiya haatana ku sugan magaalada Hargeysa “dhab ahaantii waxa looga
baahan yahay in muwaadiniinteenu ay ka shaqeeyaan hagaajinta iyo horumarinta dalkeena,
sida ay sameeyaan muwaadiniinta kale ee dunida ee aynu maanta hiigsano waddamadooda
kuwaas oo dhulkooda ka shaqaystay una shaqeeyey”.
Sakariya wuxuu intaa ku daray “maanta Dalkeena waxaad moodaa in aanay joogi dadkiisii u
tudhi lahaa sababta oo ah Qof kasta oo inaga mid ahi wuxuu doono ayuu samaynayaa waxaad
arkaysaa, dad badan oo xidhaya jidadkii oo dhigaya dhagaxaan iyo waxyaalo kale bal u fiirso
Guri kasta amaba inta ugu xaafadaha Hargeysa waxa la hor tuulaa dhagaxaan kuwaas oo
cidhiidhi galiya jidadka yaryar ee dhex mara xaafadaheena dhexdooda, taas oo xataa mararka
qaar keenta in waxyeelo soo gaadho Ubadkeena Iskuulada u socda, waxanna intaaba ka sii
daran muuqaal xumada ay dhagaxantaasi ku hayaan Guryaheena casriga ah ee sida quruxda
badan loo dhisay bale bilicdoodii ku waayay dhagaxanta iyo waxyaalaha kale ee aynu ka hor
dhisno sida jiingadaha iyo wixii la midka ah”.
Ugu dambayn waxa uu Barnaamijku u soo jeedinayaa dhamaan umada reer Somaliland inay
tudhaale u yeeshaan Dalkooda Hooyo muwaadin bilicda magaaladaada oo aad dhawrtaa waa
masuuliyad ku saran waxaanna lagaaga baahan yahay inaad isku hawsho sidii aad dantaada
gaarka ah uga horaysiin lahayd danta guud.
Qaybta 2.aad. Halista Baraha Bulshada Iyo Macluumaadka Gaar Ka Ah Ee Si Fudud Loo
Jabsan Karo
Macluumaadka aan ku soo qorno baraha ay bulshada ku kulmaan (Socail Media) annagoo
markaa is leh wax dhib ahi kama iman karo, ayaa waxaa akhristoow aad bixineysaa
macluumaad farabadan oo adiga kugu saabsan, ama qof saaxib ah ku saabsan, ama qoyskaaga ku saabsan, taasoo u sahleysa tuugada internetka (Criminal Hackers) in ay kaaga faa’iidestaan macluumaadkaas oo ay u sahasho in ay xadaan aqoonsigaaga ama midka qofka aad macluumaadkiisa bulshada u soo bandhigtay, sida maalintaad dhalatay, da’daada, cinwaanka iyo Telephone number.kaaga
Mumiimada ugu wayn waa aqoonsigaaga (Your Identity). Baraha bulshada ay ku kulmaan
waxaa ay u sahashaa tuugada (Hackers) in ay helaan macluumaad lagu kalsoonaan karo iyagoo helaaya soo saarida macluumaadka aad adiga siisay baraha bulshada, adigoon ka fikirin “Yaa isticmaali kara” ama “Halkee lagu keydinayaa macluumaadkaas”
Walaaca ugu weyn xogta adiga kuu gaarka ah iyo xaddiga warbixinada aad siinaysid baraha bulshada ku kulmaan, ayaanan u muuqan in mid dadka badankoodu ay ka qabaan dareen fog, oo inta badan yaraysta amaba u haysta waxa ay qorayaan in uu yahay macluumaad xafidan
(Secure Information).
Xataa haddii aanad wax ku soo qorin baraha bulshada ku kulanto (Social Media), saaxiibada
ama qoyskaaga ayaa si aan kutalagal ahayn u soo bandhigi kara xogtaada boggaga ay ku
leeyihiin sida, Facebook, sida halka aad ka shaqeysid, cinwaanka halka aad degen tahay, waxa
aad xiisaysid ama tilifoon numberkaaga, waxana suurta gal ah cadadda macluumaadka uu qof
kaa gudbin karo in ay yar tahay, balse iyadoo ay istacmaalayaan macluumad aad u yar oo
adiga ku quseeya, ayaa waxaa u suurto geli karto in ay isticmaalaan habab kale oo u sii
fududeeynaya sidii ay ku heli lahaayeen macluumaad dheeri ah oo adiga ku quseeya, tusaale
ahaan: Waxaa ay sameysan karaan account ama bar been abuur ah sida linkedin.com si ay
kuula soo xidhiidhaan maadaama uu yar yahay shakiga laga qaba linkedin oo ah bar la isku
dhaafsado xogag dadka shaqo doonka ah, ama raba in aay si joogta ah ula socdaan waxa
markaas ay jecel yahay dhanka shaqada ah iyo dadka la shaqeeyaba, (Social Networking)
waxaana suurta gal ah in ay halkaa ka helaan macluumaad dheeri ah oo ay kuu isticmaalan si
loo helo aqoosigaaga saxda ah (True Identity). La soco…
.






















