Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in kor loo qaado wacyiga bulshada si ay u fahmaan micnaha dhabta ah ee dawladnimo iyo kala duwanaanshaha fikradaha iyo duruufaha bulsho.
Wasiirku waxa uu caddeeyay in dalka iyo bulshada reer Somaliland ay si weyn ugu baahanyihiin cilmi-baadhisyo dhamaystiran oo dhinac walba taabanaya, kuwaas oo door muuqda ka qaadan kara horumarka dalka, isla markaana lagu xallin karo caqabadaha jira. Waxaanu tilmaamay in ka Xukuumad ahaan ay soo dhawaynaynaan in Jaamacaduhu ay awoodda saaraan Cilmibaadhisyada.
Wasiirka oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi “Dalkeenu baahi weyn buu u qabaa cilmi baadhisyo dhinac walba ah. Xukuumad ahaan waxa aanu soo dhawaynaynaa in ay Jaamacaduhu awoodda saaraan Cilmibaadhista. Waxa jira mushkilado wadanka ka jira oo u baahan in xaliyo. Mashaakiilaadku ma xalismi karaan hadaan la helin sababta cudurka dhalinaysa, marka la ogaado sababta dhalinaysa mashaakilka ina haysta waxaa xukuumadda u fududaanaysa in xalkeeda ay hesho”
Wasiirku waxa kale oo uu xusay in kheyraadka dalka iyo fursadaha dhaqaale ee jira ay tahay in si miisaaman loo maareeyo, isla markaana loo qoondeeyo si wax ku ool ah oo lagu dabooli karo baahiyaha jira. “Waa dhab dhaqaalaheenu wuu yar yahay, baahideenuna waa badan tahay, laakiin in aad farsamo socota oo waxa aad u baahantahay iyo waxa aad haysataa ay isleekaadaan ayaa ka mid ah tiirarka horumarka ee aad hore ugu socon karto.”
Wasiir Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxa uu iftiimiyay in si weyn loogu baahan yahay in kor loo qaado, isla markaana la xoojiyo wacyiga guud ee bulshada, isla markaana si dhab ah loo fahamsiiyo, waxa ay dawladnimadu tahay, waxa inaga dhaxeeya, waxa aynu ku kala duwanahay, sidee ayaynu u eekaan karnaa toban sanno oo dambe hadii layna aqoonsado, hadii layna aqoonsan waayo masii jiri karnaa. Kalsoonida ay dadku ku qabaan dalkooda hadii rajo la abuuro, waxa laga yaabaa in dhalinyarada dalka ka cararaysaa in ay joogsadaan”.






















