Duufaanta xooggan ee Ragasa ayaa ku wajahan koonfurta dalka Shiinaha ka dib markii ay Salaadadii ka soo gudubtay waqooyiga dalka Filibiin.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dalka Filibiin ka dib markii Ragasa ay ku dhufatay jasiiradaha fog fog ee waqooyiga Isniintii isla markaana ay ka tagay daadad.
Taiwan
Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay duufaanta, halka in ka badan 120 kalena la la’yahay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Saraakiisha ayaa sheegay in dhammaan dadka dhintay iyo kuwa la la’yahay ay ku sugan yihiin magaalada Guangfu ee degmada Hualien ee bariga Taiwan.
Biyo-xidheen dhul go’ay ayaa laba jeer buuxdhaafay salaadadii, isagoo sii daayay qiyaastii 60 milyan oo tan oo biyo ah, wuxuuna kiciyay daadad xooggan oo ka dhacay magaalada Guangfu.
Dhanka kale guddoomiyaha tuulada Damaca ayaa sheegay in tuulada oo dhan ay biyuhu buux dhaafiyeen xaaladuna ay tahay mid qasan.
Hong Kong
Waaxda Hong Kong Observatory ayaa soo saartay digniintii ugu sarreysay ee duufaanta, iyadoo dadka ugu baaqday inay gudaha ku jiraan
Gegida diyaaradaha ee caalamiga ah ee magaalada iyo iskuullada ayaa la xidhay iyadoo la filaayo duufaanta.
Shiinaha
In ka badan hal milyan oo qof ayaa laga daadgureeyay koonfurta gobolka Guangdong, halkaas oo la filayo in Ragasa ay ku dhufato.
Magaalooyinka koonfurta Shiinaha ee Zhuhai, Shenzhen iyo Guangzhou – oo dhammaantood ku yaal gobolka Guangdong – ayaa isku dayaya inay soo galaan biyaha badda qiyaastii duhurnimadii waqtiga maxalliga ah.
Magaalada Zhuhai, booliisku waxay ku gaaf wareegayaan waddooyinka iyaga oo wata teleefanno waaweyn, iyagoo dadka u sheegaya inay guryahooda joogaan – in kasta oo aad si dhib leh u maqli karto digniinahooda ka sarreeya dabaylaha iyo roobka






















