Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse, ayaa si cad u sheegay in gobolka Sanaag uu wajahayo duulaan ballaadhan oo lagu beegsanayo burburinta nabadgelyada, midnimada iyo wadajirka bulshada gobolka, duulaankaas oo uu ku eedeeyay in ay dabada ka riixayaan dawlado shisheeye oo faragelin ku haya arrimaha gudaha ee gobolka.
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse, waxa uu si adag uga digay duulaankaas qaawan ee lagu soo qaaday qarannimada Somaliland, isagoo carrabka ku adkeeyey in halistaas lagaga hortagi karo keliya isku duubnida ummadda, feejignaan dheeraad ah iyo adkeynta nabadgelyada. Waxa uu sidoo kale ku boorriyay qof walba inuu qaato doorkiisa muhiimka ah ee ka qayb qaadashada dadaallada amniga iyo xoojinta wadajirka bulshada, si loo sugo mustaqbalka iyo nabadda gobolka.
Guddoomiye Axmed Cabdi Muuse oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan si gaar ah idiinla wadaagayaa, in midnimada iyo wadajirka gobolka Sanaag lagu soo qaaday duulaan qaawan oo aan geed-na loogu soo gaban, duulaankaas oo ay inagu hayaan dawlado shisheeye. Waxaan aaminsanahay in kaliya aynu kaga bixi karno isku duubni, feejignaan joogto ah iyo in xaalad kasta oo soo korodha aynu si wadajir ah uga hortagno. Waxa kale oo muhiim ah in aan si dhow ula shaqayno laamaha amniga si nabadgelyada gobolka loo adkeeyo.”
Gudoomiyaha gobolka Sanaag oo la hadlayay ardayday ka qalin jabinaysay jaamacadda Golis faraceeda Ceerigaabo, ayaa xusay in Madaxwayanaha dawladda taagta daran ee Muqdisho uu u soo qalab qaatay inuu burburiyo mustaqbalka iyo hamiga bulshada gobolka Sanaag, sidaa darteed na loo baahan yahay in la isku dubnaado, lana feejignaado, waxaanu yidhi “Mar labaad, Xasan Sheekh ayaa u qalab qaatay inuu dadkan iyo ummadan, gaar ahaan gobollada bariga Somaliland, uu mugdi geliyo mustaqbalkooda, hamigooda iyo himiladooda. Sidaasi darteed, waxa aynu kaga bixi karnaa kaliya isku duubnaanteena, adkaysi iyo samir aynu u yeelano duruuf kasta oo timaad.”
Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse, ayaa si qiiro leh u muujiyey sida ay nabaddu saldhig ugu tahay midnimada iyo horumarka bulshada, gaar ahaan dhinaca waxbarashada. Wuxuu xusay in nabadgelyada iyo wadajirka bulshadu ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee ay ku tiirsan yihiin mustaqbalka jiilka cusub, isagoo tusaale u soo qaatay arday aan fursad u helin inay ka qayb galaan munaasabadda qalin-jabinta sababo la xidhiidha xaalado adag oo ka dhashay amni-darradii hore uga dhacday Ceerigaabo, waxaanu yidhi “Midnimada iyo wadjirka ummadda waxa sal u ah nabadda, sidaa darteed in aynu nabadgelyadda ka wada shaqaynaa waxay muhiim u tahay in aad nabad wax ku barataan, waad garanaysaan xannuunka ay leedahay ardaydii maanta idinla qalin jabin lahayd oo idinka maqan, waad garanaysaan xannuunka ay dareemayaan dib-u-dhacooda, waad garanaysaan xaaladda iyo halka ay maanta ku sugun yihiin iyo sida aynu ugu hawlannahay in aynu ka saarno xaaladaas.
Markaa waa in qof kastaaba ka qayb qaataa samato-bixintaas aynu wadno ee aynu dadkii isugu soo celinayno, isla markaana uu qof kastaaba nabadgelyadda kaalinta kaga aadan ka qaabto”.






















